Wasiir Kuxigeenka Khayraadka Biyaha Ee DDSI Oo Ay Wahelinayaan Injineero Wakaalada Daraasaadka Iyo Naqshadaynta Ah Ayaa Kormeer Hawleed Kumaraya Mashaariica Cusub Ee Biyaha.

Godey(CN) Khamiis.April.02.2015, wasiir kuxigeenka wasaarada horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdixaliim Axmed Ismaaciil oo ay wahelinayaan injineero kasocday wakaalada daraasaadka iyo naqshadaynta DDSI ayaa kormeer hawleed kumaraya mashaariicaha cusub ee biyaha kuwaas oo ay kamid yihiin ceelasha ridada dhaadheer oo laga wado deegaano katirsan gobolada Nogob, Godey iyo Qoraxey iyo Jarar.

Mar uu wasiir kuxigeenku kusugnaa magaalada Godey ee xarunta gobolka Shabeele ayay shabakada CakaaraNews wax kaway diisay kormeeerkaas iyo mashaariicaha ceelasha cusub ee deegaanada katirsan goboladaas, wuxuuna sheegay in ay u socdaan sidii loogu talagalay iyadoo lagu guulaystay in dhamaan halka ay kuwo badan ladhamaystiray.

Waxaana goobahaas mashaariicuhu kasocdaan kamida Dhagaxmadow, Garawo, Garbo, Higlalabir, Burqoyar, Yaxaas jabal, Sankabaar, Abaaqarow, Banka  Qoraxay, Sanwayne  iyo  Kudunbuur .

Hadaba MagaaladaDhagaxmadow oo laba ceel oo  cusub  laga qodayay  ayaa  midi dhamaaday oo lagu  guulaystay halka  midka kalena  qodaalkii  la  bilaabay.

Magaalada Garbolaba  ceel oo  cusubayaalagaqodayaymid  sibuuxdaayuuudhamaaday  midna  waa  gabagabo  oo  biyo  badan  ayaa  laga  gaadhay  waxaana socota  balaadhintiiooahnadiifintiigalintii  kaysinada  iyo  tijaabintii  biyaha  uu  soo  saarayo.

Mashaariicahan biyaha oo ah kuwo cusub ayaa guud ahaan maraya halkii loogu talagalay iyadoo ay badankood dhamaadeen. Mar aan mudane Cabdi xaliim wax kawaydiinay hawlaha kormeerka ayuu noo xaqiijiyay in sidoo kale ay wakhti dhaw kormeer kale ku gaadhi doonaan gobolka Afheer.

Dar daralinta xawliga ah ee dhanka horumamarinta Biyaha ayaa ku qotoma qorshaha DDSI ee mudnaanta biyaha lasiiiyay taasoo dhamaadkii bisha Maarso deegaanka lagu abaal mariyay qorshaha biyaha iyo guulaha laga soo hoyiyay, xafladii qaran ee madaxwaynaha DFI kasoo qab galay iyo maalintii biyaha ee heer caalami.