Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Go'aamadii Kasoo Baxay Shirkii Caano Kadhan Ee Toronto Canada.

Toronto(CN) Khamiis.April.02.2015, Sida aad wararkayagii hore kala socoteen CakaaraNews waxaa kadhacay Toronto shir caano kadhan ah oo ay hogaaminayeen waftigii uu horkacayay madaxwayne kuxigeenka DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar. Wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil iyo wasiir kuxigeenka wasaarada Qurbajoogta DDSI mudane Cabdi Khaliif (Dhoonbe) ayaa kamid ah madaxda hogaaminaysay shirka waftiga Canada iyo qurbajoogta DDSI ee Caano Kadhan Toronto.

Shabakada CakaaraNews oo wax kawaydiisay wasiir kuxigeenka wakaalada Qurbajoogta DDSI mudane Cabdi Khaliif (Dhoonbe) ayaa sheegay in shirkaasi ay kasoo baxeen go'aamo wax ku ool ah kadib markii uu madaxwayne kuxigeenka iyo madaxdii kale ee waftigu uga warameen xaalada wadanka iyo yoolka horumar ee DDSI ay hiigsanayso.

Wasiir kuxigeenku waxaa uu sheegay in qurbajoogta DDSI ay kasoo baxeen kaalintoodii looga baahnaa islamarkaana ay maanta door laxaad leh kuleeyihiin hawlaha horumarka dalka iyo deegaankaba, waxayna shirkan qrbajoogtu noo muujiyeen sida ay uga go'antahay sii xoojinta horumarka DDSI ayuu yidhi mudane Cabdi Khaliif.

Hadaba iswaraysi iyo xog waran dheer kadib ayaa waxaa shirkaasi Caano Kadhan ee Toronto kasoo baxay go'aamo dar dar galin ah oo ay isla qaateen madaxdii DDSI iyo qurbajoogta Canada ee DDSI waxaana go'aamadaasi kamid  ahaa 1) in ay qurbajoota Canada ee DDSI ay taageero buuxda oo kal iyo laab u hayaan geedi socodka horumar ee DDSI, 2) in ay guud ahaanba taageersanyihiin go'aamdaii xisbiga ee guulaha u soo hoyiya deegaanka, 3) in ay garab taaganyihiin mashaariicda waawayn ee dalka sida Abaay iyo kuwa horumarineedba guud ahaan, 4) in ay canbaaraynayaan islamarkaana ay kasoo horjeedaan dhamaan wixii caqabad ku ah hrumarka iyo nabadgaliyada ka hana qaaday DDSI, iyo qodobo kale.

Iskusoo wadaduuboo shirkii Caano Kadhan ee Toronto ayaa kusoo dhamaaday jawi aad u haboon oo ay mataano yihiin shirkii caano kadhan ee Minneapolis ee Waqooyi Ameerika.