Madaxwaynaha DDSI Oo uTahniyadeeyay Sanadguurada 4aad Ee Mashruuca Biyo Xidheenka Abbay Soona Dhaweeyay Guulaha Isbadal Ee Mashruuca.

 

 

 

Addis Ababa(CN) Khamiis.April.02.2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hada kusugan xarunta dalka ee Addis Ababa ayaa maanta tahniyad u diray dabaal daga sanadguuradii 4aad ee dhagax dhiga mashruuca wayn ee Biyo xidheenka Abbay oo maanta si heer qaran ah loogu xusayo Guba oo ah halka uu mashruucu kuyaalo ee deegaanka Benishangulka, halkaas oo ay uga qayb galayso DDSI madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirada madaxtooyada DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax.

Madaxwaynaha oo u waramay talefeeshinka qaranka ee EBC islamarkaana kawaramay shaqooyinkii socdaalkiisii dibada iyo guulaihii dhanka qurbaha ayaa ayaa waxaa maalinta Sabtida ee fooda inagu haysa ay kaqayb galyaan isaga iyo afhayeenka baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq shirka golaha dhexe ee  EPRF.

Hadaba madaxwaynaha ayaa sheegay in mashruuca Abbay uu faaiido u yahay dhamaan Afrika gaar ahaan geeska Afrika iyo dalalka uu mashruucu kadhaw yahay. Wuxuuna sheegay in ay wax lagu faano tahay sida ay bulshawaynta reer Itoobiya ugu guulaysteen mashruucan Abbay oo ay hada kahor kaqatanaayeen ama aan laga faaiidaysan.

Madaxawynaha ayaa sidoo kale aad u soo dhaweeyay sanad guuradan 4aad iyo wakhtiga ay kusoo beegantay ee ah diploomaasiyada wanaagsan ee ay isku raaceen dhawaanta wadamada Itoobiya, Sudaan, iyo Masar taasoo ay kudayasho mudan u tahay dawlada federaalka Itoobiya ee uu hogaaminayo raysal wasaaraha DFI mudane Hailemariam Desalegn. 

Madaxwaynaha ayaa intaas kudaray in dalka Itoobiya uu kaalin hor muud kaga jiro caalamka dhanka nabadgaliyada iyo dan wadaagnimada Afrika iyo dhamaanba caalamka, waxaana hada mashruucan ay Masar iyo Suudaan aad u garwaaqsadeen islamarkaana laxaqiijiyay in ay kufilanyihiin 3 dal iyo waliba dalalka geeska Afrika.

Mashruucan biyo xidheenka Abbay oo ah mashruuc quwada korontada ah ayaa wakhti xaadirkan dhaafay kala badhkii iyadoo ay sanadguuradiisii 4aad ay kusoo beegantay wakhti ay heshiis iyo fahan buuxa kaqaateen 3 dal ee uu wabiga Abbay maro waxaana xusid mudan in boqolkiiba 80 in uu Abbay kayinaado Itoobiya.