Degmada Awbare Oo Simeeqaam Sare Ah Loogu Xusay Sanadguurada 4aad Ee Kasoo Wareegtay Dhagax-dhigii Wabiga Dib u Uurashada Abay.

Awbare(CN) Jimce.April.03.2015, waxaa shalay si balaadhan loogu xusay degmada Awbare ee gobolka faafan sanad guurada  4 aad ee ka soo wareegtay maalintii la dhagax dhigay biyo xidheenka dib u curashada dalkeena itoobiya ee Abay.

waxaana, ka soo qaybgalay xafladii loogu dabaal dagayay munaasabadaasi masuuliyiinta degmada awbare oo uu ka mid yahay gudoomiyaha degmada awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax shaqaalaah degmada, odayaasha. Dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Awbare.

Gudoomiyaha degmada awbare mudane Maxamed Cadbi Faarax oo munaasabadaasi kula hadlay bulshada ayaa si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay biyo xidheenka abay wuxuuna sheegay in uu yahay himilooyinkii iyo figradihii ka soo maaxday Raysil wasaarihii aragtida dheeraa ee Meles Sinaawi loona baahan yahay  in aan sii xoojino dadaalada lagu dhamays tirayo hirgalintiisa biyo xidheenka abay.

Dhanka kale waxa uu gudoomiyuhu si balaadhan uga warbixiyay sida ay shacabka degmada Awbare u soo dhawaynayaan socdaalkii dhaxal galka ahaa ee ay waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ku tageen wadanka maraykanka, shirkii caano ka dhan iyo qurba joogta u dhalatay deegaanku sida qiimaha badan ee ay u soo dhaweeyeen waftigaasi.

Madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ee degmada awbare mudane khadar mahdi oo ka warbixiyay sida ay shaqaalaha uga go’antahay dhamays tirka wabiga abay iyo in qofkasta xilka saaran yahay ka qaybqaadashada biyo xidheenka.

Odayaasha iyo qaybaka hala duwan ee bulshada oo ka hadlay munasabadaasi ayaa ka warbixiayay dareenkooda ku aadan dhamaystirka biyo xidheenka abay sidoo kale waxay qaybaha kala duwan ee bulshadu hoosta ka xariiqeen in ay siwayn u taageersan yihiin soona dhawaynayaan shirwaynihii caano ka dhan ee waftigii uu hogaaminayay iyo qurba joogta u dhalatay deegaanku kuwada yeesheen minisoto maraykanka.