Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gudigii Qaban-qaabada Iyo Kasoo Qayb-galayaashii Shirkii Minneapolis Ee Caano Kadhan Oo Aad Looga Mahadceliyay.

Addis Ababa(CN) Axad.April.05.2015, sida aad warbaahinta kala duwan ee deegaanka kala socoteen waxaa baryahanba aad looga soo dhawaynayay deegaanka iyo dalkaba shirkii dibada ee kadhacay magaalada Minneapolis ee cariga maraykanka kaasoo ay wada yeesheen waftigii madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo qurbajoogta DDSI.

Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hada kusugan xarunta dalka ee Addis Ababa ayaa shirkaas oo guul wayn ugasoo hoyatay DDSI iyo qurbajoogta DDSI uga mahad celiyay gudigii qaban qaabada, kasoo qayb galayaashii, iyo dhalinyaradii rajmantiga 31aad ee shirkii caano kadhan.

Madaxwaynaha ayaa aad uga mahad celiyay gudoomiyihii qaban qaabada ahna gudoomiyaha xisbiga ee jaaliyada North America mudane Maxamed Suldaan Bade iyo dhamaan qaab dhismeedkiisii gudiga. Sidoo kale wuxuu madaxwaynuhu sheegay in dhamaan si koox koox ah iyo si gaar ahaaneedba ay xubnahaasi muujiyeen wadaniyad iyo kalgacalada ay u hayaan DDSI.

Sidoo kale waxaa ay madaxda dawlada dhexe aad u soo dhawaysay guusha kasoo baxaday shirkii dibada ee madaxwaynaha iyo qurbajoogta DDSI ee waqooyi Ameerika. Iyadoo taasna loogu hanbalyaynayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.