Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wafti Uu Horkacayo Madaxwaynaha DDSI Oo Maanta Soo Gaadhay Xarunta DDSI Ee Caasimada Jigjiga Islamarkaana Lagusoo Dhaweeyay Gagida Diyaaradaha Ee Garaad Wiil Waal.

Jigjiga(CN) Talaado.April.07.2015, wafti uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta soo gaadhay xarunta DDSI ee caasimada Jigjiga halkaas oo madaxwaynaha iyo waftigiisa  lagu soo dhaweeyay gagida dayuuradaha ee Garaaad Wiil Waal Airport. Waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madax isgu jiray cabinetka, wasiirada, iyo qaab dhismeedka kale ee dawlada.

Madaxwaynaha oo ay wahelinayeen madax DDSI ah oo kamid ahaa afhayeenka Baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Iasaaq iyo xubno kale ayaa maanta kasoo dagay garoonka Garaad Wiil Waal ee caasimada Jigjiga, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin sare oo DDSI ah.

Madaxwaynaha DDSI  mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Afhayeenka baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq ayaa saddexdii cisho ee ugu danbaysay kujiray shirkii caadiga ahaa ee golaha dhexe ee EPRDF kaasoo shalay makhribnimadii guul iyo jawi aad u quruxsan kusoo dhamaaday.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo baryahan ku mashquulsanaa Addis Ababa iyo shirar uu laqaadanayay masuuliyiintii dawlada dhexe ee Federaalka kuwaas oo uu kala hadlayay arimaha horumarka gaar ahaan mashaariicaha DDSI loogu tala galay ee xafiisyada horumarineed ayaa socdaal shaqo ugu maqnaa isaga iyo wafti wahelinaysay dalka dibadiisa.

Socdaalkaas dibada ee madaxwaynaha iyo waftigiisa oo shirar badan lagula yeeshay qurbajoogta u dhalatay DDSI ee waqooyi Ameerika ayaa lagu ogaaday taageerada balaadhan ee ay DDSI kuleedahay dibada. Waxaana sheeko reeb noqotay shirkii Caano Kadhan ee Minneapolis oo guulo badan u soo hoyiyay DDSI.