Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xaflad Casho Sharaf ah Oo Loogu Mahad Celinayay Qurba joogtii iyo Ururadii Kale Duwanaa ee Kusoo Dhaweeyay Waftigii uu Hogaaminayay Madaxwaynaha DDSI N.America Ayaa Kadhacday Barxada Qaryaan Dhoodaan.

Jigjiga(CN) Arbaco.April.08.2015, waxaa ka dhacay caawo barxada wayn ee guriga martida ee qaryaan dhoodaan xaflada casho sharaf ah oo si qurux badan loo soo agaasimay.taasi  oo ay ujeedadeedi ahayd, in loogu mahad celiyo jahliyadii iyo ururadii kale duwanaa ee sida meeqaamka sare ah u soo dhaweeyay waftigii uu hogaaminayay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar magaalada Minnesota ee wadanka maraykanka.

Waxaana xafladaasi ka soo qaybgalay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka madaxtooyada DDSI marwo sucaad ahmed faarax, golaha capinetka DDSI, golaha wasiirada, shaqaalaha dawlada, odayaasha, ugaasyada iyo garaadada DDSI.

Madaxwaynaaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka soo jeediyay xafladaasi khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa taasi ku qotontay socdaalkii ay waftigu ku soo mareen wadanka maraykanka, guulaha xukuumada DDSI kasoo hooyay dhinaca horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban, qorshayaasha horumarineed ee GTP-2 doorka kaga aadan deegaanka  iyo waliba dhinaca  doorashooyinka doorashada fooda inagu so haysa.

Madaxwaynaha ayaa waxa uu ugu horayntii si wayn ugu mahad celiyay qurba joogta u dhalatay deegaanka meelkasta oo ay joogaan wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay qurba joogta ku dhaqan magalada Minnesota ee wadanka maraykanka qaybaha kala duwan ee ururada dhalinyarada  sida diiran ee dareenka wadaninimo ay ku dheehan tahay ee ay ugu soo dhaweeyeen waftigii uu hogaaminayay madaxwaynuhu iyo sida ay u qabteen shirwaynhihii caano ka dhan ee ahaa mid u noqday guud ahaanba dalkeena itoobiya iyo deegaankeenaba gashi horumarineed oo taariikhda galay.

Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu ka warbixiyay qorshayaasha GTP2  ee JDFI ugu tala gashay deegaanka taasi oo ay ka mid yihiin dhismaha iyo hirgalinta jaamacada laga dhisayo qabrihadar, warshada sonkorta oo laga dhisayo Goday biyo xidheenka laga dhisayo degmada xamaro, wadada laamiga ah ee isku xidhaysa goday ilaa degmada feer’feer iyo waliba mashaariico kale oo horumarineed wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in intaba dhagax dhigooda la bilaabayo maalmahan fooda inagu soo haya.

Mar uu madaxwaynuhu ka hadlayay dhinaca doorashooyinka ayaa waxa uu sheegay in ay hada doorashadii fooda inagu soo hayso loona baahan yahay in si meeqaam sare ah loogu diyaar garoobo codbixinta musharaxiintuna ay tagaan goobihii laga soo dooranayay wuxuuna tilmaamay madaxwaynuhu in ay doorashadani ku soo hagaagtgay wakhti uu XDSHSI guulo waawayn ka soo hooyay dhinacyada horumarka xasiloonida deegaanka ladagaalanka iyo qalajinta  saboolnimada iyo jahliga, kor u qaadida koboca dhaqaalaha,  xidhiidhka dibada abuuritaanka ilaha shaqada.