Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ururka Dhalinyarada SEDYO Oo Si Wayn Usoo Dhaweeyay Mashaariicaha Hormarineed Ee DDSI Laga Hirgalinayo Qorshaha GTP-2 ga

Goteborg(CN) Jamce April.10.2015,waxaa barta warqabadka ee shabakada CakaaraNews kusoo dhacaya baaqyo iyo fariimo lagusoo dhawaynayo mashaariicaha waawayn ee laga hirgalinayo shanta sano deegaanka iyo dalka ee ay wadaan dawalada faderalka iyo xukuumada DDSI oo iskaashanaya.

Guudoomiyaha ururka dhalinyarada SEDYO Sweden mudane Maxamed Sheekh Xasan (Huways) ayaa u sheegay shabakada CakaaraNews inay jaaliyada iyo ururka dhaliyada SEDYO ay yeesheen kulamo lagu taageerayo mashaariicaha hormarineed ee GTP-2ga, gaar ahaan mashaariicda waawayn ee haatan ay dhagax dhigayaan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxda Sare ee dawlada Federaalka oo uu ugu horeeyo raysal wasaare kuxigeenka DFI mudane Damaqe Mokonen.

Waxayna ururka iyo jaaliyadauba ay si wayna u taageerayaan jaamacada labaad ee deegaanka laga hirgalinayo lagana dhagax dhigay magaalada Qabridahar, taasoo loogu magac daray Qabridahar University iyo sidoo kale warshada sonkorta ee Godey, biyo xidheenka Xamaro, laamiyada iyo dhamaan mashaariicaha hormarineed ee ka socda deegaanka, kuwaas oo dhamaanba ah guulo u soo hoyday bulsho waynta reer Itoobiya.

Gudoomiyaha oo hadalkiisii sii wata ayaa yidhi “ waxaan dhamaan ugu hanbalyaynaynaa shacabka DDSI iyo hogaaminta xisbigaba horumarka iyo horu socodka” waxaana cadaynnaa inaan hiil iyo hooba lagarab taaganahay hirgalinta mashaariican waawayn ee ay dawladeena Federaalka iyo xukuumadaeen DDSI iska kaashanayaan ayuu yidhi mudane Huways.

Iskusoo wada duuboo ururada iyo jaaliyadaha u dhashay DDSI ee qurbajoogta ayaa markasta muujiya kaalitooda taageero oo aad muhiim u ah hawlaha horumarka iyo nabadgaliyada ee deegaanka iyo dalkaba, taasoo ay uga makhraati kacaeen ugana mahad celiyaan DDSI iyo madaxda ugu saraysa dawlada Federaalka.