Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Barnaamijka Dakhli Uruurinta 8100 A ee Mashruuca Biyo-xidheenka Abbay Oo 6 Bilood ee Lasoo Dhaafay Soo Xareeyay Inkabadan 84 Milyan Oo Birr.

Addis Ababa(CN) golaha u qaabilsan kaqayb galka bulshada ee mashruuca biyo xidheenka Abbaay ayaa sheegay in in 6 bilood ee lasoo dhaafay lagu soo aruuriyay inkabadan 84 milyan oo Birr barnaamijka maal uruurinta ee 8100 A.

Gudoomiye kuxigeenka golaha u qaabilsan kaqaybgalka shacabwaynaha ee mashruuca biyo xidheenka mudane Zadig Abraha ayaa sheegay in dareenka shacabka ee ku aadan mashruuca biyo xidheenka uu sidii larabay u hirgalay.

Sidoo kale mashruuca ayaa waxaa si wadaniyad leh waxaa ugu deeqa waxtarkooda, bulshada qaybahooda kala duwan sida maal qabeenada, hobolada , warbaahinta iyo ogaysiisyada oo intaba ugu deeqa waxtar kala duwan mashruuca.

Mashruuca biyo xidheenka Abaay oo hada 4 sano jirsaday ayaa maraya in kabadan kala badhkii iyadoo sidoo kale heshiis dhamaystiran iyo dibloomaasiyad sare ay ka gaadheen 3 da dal ee Itoobiya, Suudaan iyo Masar.