Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xaflad Balaadhan Oo Loogu Dabaal Dagayo Jaamacada Qabridahar Iyo Mashaariicaha Waawayn Ee Horumarineed Ayaa Hada Kasocota Madasha SMCX.

Jigjiga(CN) Axad.April.2015, waxaa hada kasocda hoolka shirarka ee SMCX xaflad balaadhan oo lagu soo dhawaynayo mashaariicaha horumarineed ee deegaanka iyo dalkaba laga hirgalinayo. Wariyaha Shabakada CakaaraNews oo haatan kusugan xaflada ayaa kusoo waramaya in halkaasi ay kasoo qayb galayaan madaxda sare ee DDSI, golaha cabinetka, wasiirada, shaqaalaha dawlada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, hobolada fanka hidaha iyo dhaqanka .

Xafladan oo loogu dabaal dagayo Jaamacada labaad ee deegaanka laga hirgainyo ee Qabridahar University taasoo kamid ah guulaha dhanka waxbarsahada (13-ka jaamacadood) ee dalka u soo hoyday.

Sida uu kusoo waramayo wariyahayaga Jigjiga oo haatan kusugan hoolka Sayyid Maxammed Cabdile Xasan ayaa kusoo waramaya in ay jawiga gurigu uu caawa yahay farxad iyo rayn rayn.
Xukuumada iyo Shacabka DDSI ayaa ku caan ah horumar jacaylka iyo soo dhawaynta dhamaan mashaariicaha ama hawlaha horumar ee deegaanka iyo dalkaba  laga wado. 

Shabakada CakaaraNews iyo wararkayaga danbe ayaad ka dheehan doontaan faah faahinta iyo shirkan Caawa kasocda Hoolka SMCX.