Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ururka Dhalinyarada Silent Cry Qaybtiisa Gobolka Virginia ee Wadanka Maraykanka oo Habbalyo iyo Taageero u Soo dirtay Dhagax Dhiga Jaamacada Qabrihadar.

Virginia(CN) Isniin.April.13.2015, tan iyo intii la shaaciyay lana dhagax dhigay jaamacada qabrihadar Waxaa qaybta xogkaydinta ee shabakada wararka ee cakaaraNews  si istaba joog ah ugu soo dhacaya fariimo ku qotoma hanbalyo iyo taageero ay ku muujiyanaan bulshada DDSI dalka iyo dibada  farxada  iyo damaashaadka ay u qabaan  soo dhawaynta  jaamacada qabrihadar  iyo mashaariicaha kale oo horumarineed.

Haddaba ururka  Dhalinyarad Silent Cry taantiisa  Gobalka Virginia ee Dalka Marykanka Ayaa  habeen hore  shir si meeqaam sare ah loo so agagsimaye Ku qabtay Jamacada George Mason ee ku taala Magala madaxda Wadnka Maraykanka ee Washinton DC.

Shirkaasi oo ay soo diyaariyeen ururka dhalinyarada silent cry ayaa Waxaana ka soo qaybgalay hogaaminta ururka dhalinyarada ee silnt cry ee gobolkaasi  dhalinayaro wadamana aan dariska nahay sida kuwa  somaali kuwa  ajanibka iyo waliba  profosaryaasha wax ka dhiga jamacada George mason university George mason University.

Shirkan oo ay ahmiyadiisu ahayd tageero  ay  dhalinyarada silent cry ku  tageerayey  mashaariicaha horumarineed ee qorshaha GTP2 dawlada dhexe ka hirgalinayo deegaanka iyo dadaalka ay xukuumada DDSI u martay hirgalinta qorshayaashasi  gaar ahaan Dhagax dhigee Jaamacada Qabrihadar

Dhalinyarada silent cry oo ay hormuud ka ahaayeen  Fardawsa Maxamed iyo Amran Sheikh Cabdi ayaa  la so xidheedeen warbaahanta shabakada  cakaaraNews waxayna,  sheegeen in shirkaasi si mug leh loogu gorfeeyay  taageerada iyo soo dhawaynta jaamacada qabridahar taasi oo ay qabaha kala duwan eee dhalinyaradu ku muujinayeen farxada ay u qabaan jaamacadan iyo  Sida Dawlada Degaanka somalida itoobiya ay  Xooga u  sarayso sidii deegaanka looga saarilahaa jahliga iyo saboolnimada  Korna loogu  qaadi lahaa aqoota iyo koboca dhaqaalada deegaanka.

Fardowsa oo kamid ah gudigii qaban qaadaba shirkaasi ahna  ardayda wax ka barata Jamacada George mason ayaa mar aye khadka telephonka  kulaso xidhiiday shabakada wararka ee cakaaraNews sheegtay  in ayna  soo koobi karing farxada ay  u hayso Jamacada Qabridahare Universty ee ay  khamistii ina soo dhaaftay xaflada dhagax dhigeeda ay ka soo qayb galeen  Raysal wasaare  ku geenka dalka itoobiya wasiirka wasaarada waxbarashada dalkeena itoobiya  iyo madaxwayhanaha DDSI. Waxayna ka warbixisay farada ay u qabto in ay aragto jaamacada 2aad ee deegaanka qabrihadar university.

Guud ahaan Dhalinyarada silent cry ee ku  kala sugan Qaaradaha aduunka ayaa  Dawlada degaanka  ka talisa  iyo shacabkooda Soomalida Itoobiya la garab taagan tageero buuxda oo dhan walbaba leh.

Dhalinyarada silent cry oo ah dhalinyaro aqoon leh ayaa waqtigan hada ah  ku mashqulsanyeheen side ay u  diyaaring lahayeen ducomentation  ka dhane ah waxyeeladee urur ku sheega UBBO ee ka tabar goday deegaanka iyo aduunkaba ay  u  gaysataye shacabka somalida itoobiya 20 sano ee o dambaysay.

Dhalinyarada silent cry laantooda  Washington DC ayaa noo   sheegey  in ay  bilaha so socda hordhiga doonaan qaybo ka mid ah congureska  ka taliya Guriga cad ee maraykanka  wax yeelada shaqsiyaadka Hogaamin jiray ee marin habaabiyay shaqsiyaad ka aragtida liita ee UBBO ay hore ugu  gaysteen shacabka degaanka soomalida itoobiya.

Waxaa kale oo xusid mudan  in Dhalinyao  Silent cry qaby tooda  Washington Dc e George mason university ahayeen Dhalinyaradii ugu horaysay ee African ah eek u  guulaysta in ay  soo hordhigaan  filmkooda Guriga Cad ee maraykanka.

Ugu danbayntii ururka dhalinyarada ee  silent cry ee ku  sugan jamacada George mason university ee magalada Washington DC ayaa si qoto dheer ugu soo hanbalyeeyay shacabka deegaanka somalida itoobiya sida wanaagsan ee ay iskugu duuban yihiin iyo mashaariicaha horumarineed uu xawliga ku socda, sidoo kale waxay u soo hanbalyeeyeen hogaaminta deegaanka oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane  Cabdi  Maxamuud Cumar oo ay yidhaahdeen waa  A Father of PEACE, JUSTICE  & Development.