Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shir Balaadhan Oo Ay Jaaliyada Linkoping Ee Wadanka Swedan Ku Taageerayaan Shirwaynihii Caano Ka-dhan iyo Mashaariicaha Horumarineed Ee Ka hirgalay Deegaanka Oo Ka-dhacay Magaalada Linkoping.

Jigjiga(CN) Isniin.April.13.2015, shirkaasi oo ay soo diyaariyeen hogaaminta jahliyada Linkoping ee wadaanka swedan ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan jahliyada ku dhaqan magaalada Linkoping oo ay ugu horeeyeen hogaaminta jahliyada gudiga fulinta jahliyada aqoonyahanada u dhashay deegaanka ee ku nool wadankaasi iyo marti sharaf kale.

Shirkaasi oo ay ujeedadiisu hayd muujinta taageerada ay jahliyadu ku taageerayaan shirwaynihii caano ka dhan ee ay waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI iyo jahliyada ku dhaqan wadanka maraykanku wada yeesheen iyo waliba taageerida mashaariicaha horumarineed ee qorshaha GTP2  laga hirgalinayo deegaanka oo ay ugu horayso dhagax dhiga jaamacada Qabrihadar.

Sida uu noogu soo waramayo wariyaha shabakada wararka ee cakaaraNews ugu soo warama wadanka Sweden ayaa sheegay in  shirkaasi oo si meeqaam sare ah loo soo agaasimay uu  ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha jahliyada Linkoping ee wadanka sweedan mudane Yaasiin sheikh Rashiid oo si qoto dheer uga hadlay taageerada ay jahliyadu u hayso shirwaynihii caano ka dhan iyo go’aanadii taariikhiga ahaa ee ka soo baxay.

Gudoomiyuhu waxaa kale oo uu tilmaamay taageerada iyo soo dhawaynta ay jahliyada Linkoping u hayso mashaariicaha waawayn ee horumarineed ee xukuumada DDSI iyo dawlada dhexe ka hirgalinayaan deegaanka oo ay ka mid tahay jaamacada Qabridahar.

Dhankiisa waxaa isaguna ka hadlay shirkaasi Cabdirisaaq Maxamed oo ka mid ah gudiga fulinta ee jahliyada Linkoping ee wadanka swedan, wuxuuna, mug leh uga hadlay ahmiyada uu shirkani leeyahay taasi oo uu ku sheegay in ay jahliyada magaalada Linkoping ku muujinayaan dareenkooda farxadeed ee ay ku taageerayaan shirwaynihii caano ka dhan.

Cabdirisaaq oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu ku nuux nuuxsatay horumarka xawliga ah ee sanadihii ugu danbeeyay ka hirgalay deegaanka iyo dadaalada hore u socodka ah ee ay muujisay xukuumada DDSI sida ay shacabka deegaanka uga xaqab tirtay dhamaanba adeegyada horumarineed ee  aas aasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka helitaanka biyaha nadiifta ah, jidadka, isgaadhsiinta, kor u qaadida koboca dhaqaalaha iyo tir tirida saboolnimada iyo jahliga.

Wuxuuna sheegay cabdirisaaq in ay jahliyadu si balaadhan u soo dhawaynayso hirgalinta qoshaha GTP2 ee ay xukuumada DDSI iyo faderaalku ka hirgalinayaan deegaanka gaar ahaana dhagax dhiga jaamacada qabrihadar.

Sidoo kale xubnaha gudiga fulinta ee ka hadlay shirkaasi oo ay ka mid yihiin Cabdirashiid sheikh iyo nuur muxumed ayaa si durugsan uga warbixiyay dareenka farxadeed ee ay jahliyadu ku taageerayaan shirwaynihii caano ka dhan iyo hirgalinta mashaariicaha waawayne ee sida habsamida leh uga hirgalay deegaanka kuwaasi oo ugu mahad celiyay hogaaminta xukuuamda DDSI oo siwayn ugu guulasatay yay yidhaahdeen ka jawaabida baahida shacabka DDSI iyo sii xoojinta iyo hirgalinta xidhiidhka qurba joogta u dhalatay DDSI.