Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Munaasabad Balaadhan oo Lagu Taageerayay Shirwaynihii Caano Ka Dhan MN iyo Dhagaxdhigii jaamacada Qabridajar Ayaa ka Dhacay Melbourne Australia.

Melbourne(CN) Isniin April 13.2015. Waxaa magaalada Melbourne ee Australia ka dhacay maalinii Sabtidii 11/04/2015 shir balaadhan oo si fiican loosoo agaasimay taasooy si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen ururka jahliyada qurba-joogta Soomaalida Itoobiyo ee Australia iyo ururka dhalinyarada DDSI Youth Student empowerment (DYSE) iyadoona shirkan ujeedooyinkiisa ugu waawayni ka mid ahaayeen taageerada shirkii iyo soo dhowayntii quruxda badnayd (CAANO KADHAN) ee waftii balaadhaa ee uu madaxwayne Mudane Abdi Mahamoud Omar hogaaminayay ku dhexmaray Qurbajoogta DDSI ee qaarada waqooyiga america ee ka dhacay magaalada Minneapolis. Waxay jahliyada DDSI ee Australia bogaadinaysaa hambalyana u diraysaa shirkii MN iyo go’aamadii ka soo baxay.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu taageerayay Dhagaxdhigii Jaamacada Qabridahare ee dhawaan uu dhagaxdhigay raysalwasaare kuxigeenka DFI mudane Dhamaqe Mokonen.Waxaa shirka furay Bashir Abdirahman oo ku soo dhawayay Gudoomiyaha jahliyada DDSI ee Australia.Waxaa si meeqaan iyo faahfaahin leh uga hadlay arimaha qurba joogta gaar ahaan shirkii CAANO KADHAN Gudoomiyaha Jahliyada DDSI ee Australia Marwo Umal Khayr Dalmar iyo Gudoomiye ku xigeenka Mudane Sheikh Hassan Ibrahim.

Waxay kaloo ka warbixiyeen shirkii XDSHSI ee Fiiq ka dhacay oo ay Jahliyada Australia u matalayeen iyo horumarka,nabadgalya iyo maamulka suuban. Waxaa isna qudbad qiimo badan ka soo jeediyay Gudoomiye kuxigeenka uruka DYSE Mudane Fatxudin Abdiqadir Hirsi.Mudane Hirsi wuxuu si qoto dheer uga hadlay mustaqbalka dhalinyarada DDSI.wuxuuna timaamo ka bixiyay dhalinyarada waxbarashadoodi ka tagay ee tahriibaysa iyada oo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiyo ay ka helikaraan waxbasho qiimo leh iyo waliba shaqo ay iyaga,dadkooda iyo dalkoodaba ku anfici karaan.

Wuxuuna masuulku dhalinyarada ugu baaqay in ay noqdaan jiilkii hogaamin lahaa dalkooda iyo dadkooda sidoo kale waxaa munaasabadan aad loogu soo dhaweeyay dhagax dhigii Jamacadii labaad ee dawlad deegaan somaalida Ethiopia yeelato oo ,Magaalada Qabri Dahar la dhagax dhigay.

Masuulka ayaa yidhi Waxaan wax lagu farxo ah mudo 5 sano gudohood horimarin baxaad wayn laga hir galiyo Dowlad Deegaan Somaalida Itoobiyo.Waxaa isna ka war bixiyay Dhanka waxbarashada sidii ay ahaan jirtay iyo heerka ay manta marayso Yusuf Mahamoud Haibe. Waxay jah liyadu hambalyo iyo mahad celin u diraysaa xukuumada DDSI uu ugu horeeyo madaxwayne Abdi Mahamoud Omar iyo maamulkiisa,Dawlada Fedaraalka Dimoqraadiga ee Itoopia iyo XDSHSI.

waxaan llenahay Hambalyo!Hambalyo. Waxaa iyana shirka lagu soo qaaday sidi loo hirgalin lahaa container isugu jira qalab wax barasho,sportiga iyo waxyaalo kale oo mudo dhaw loo diri doono agoonta magaalada Fiiq ee magaalada madaxda Gobolka Nogob.Jahliyada DDSI ee Australia gaar ahaan ESDCA waxaay madnaq balaadhan u soo jeedinaysaa Jamac Farah oo katirsan ROTARY CLUB FOOTSCRAY sida wanaagsan ay arinta Containerka nooga taageeren.

ugu dambayntii jahliyadii shirka ka soo qayb gashay ayaa loo bandhigay foomamkii is diiwaan galinta ururka Horumarinta Soomaaliada Itoopia oo ay goobtii ku buuxiyeen.

Isku soo wada duuboo jaaliyada iyo Qurbajoogta DDSI ee ku dhaqan cariga australia ayaa door fiican kagajira hawlaha horumarka,maamulka suuban,n/galyada iyo maalgashiga ka hanoqaaday deegaanka soomaalida itoobiya iyo hawlaha qaranba sida iibsiga Bondiyada biyo xidheenka abbbay