Kulan Wada Tashiya Oo Lagu Gorfaynayay Barnaamijka Qiimaynta Shaqada iyo Kobcinta Awooda Fulineed ee Shaqaalaha oo Maanta Ka Dhacay Hoolka Shirarka ee Qaryaan Dhoodaan.

Jigjiga(CN) Talaado.April.13.2015, kukankaasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu sarayso oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka madaxtooyada DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, wasiir ku xigeenka wasaarada adeega shacabka ee JDFI Dr. Misraq Mokonen,  golaha capinetka DDSI, golaha wasiirada DDSI, maareeyayaasha wakaalada DDSI, iyo waliba khabiiro ka socday wasaarada adeega shacabka ee JDFI.

Waxaana furitaankii kullankaasi ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay nidaamka qiimaynta shaqada iyo darajo siinta (job evaluation and grading) sheegayna in uu yahay mid lagu sii xoojinayo hirgalinta qorshayaasha horumarineed. Sidoo  kale waxa uu madaxwaynuhu faah faahin ka bixiyay nidaamka awood siinta habka fulinta shaqada iyo arimaha la xidhiidha nidaamka dar dargalinta shaqooyinka iyo taabo galinta nidaamka qiimaynta shaqada,  maadaamo oo uu dalkeenu ku socdo xawaare horumarineed oo deg deg ah.

Wasiirada adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI marwo Maajida Maxamuud Maxamed oo ka hadashay kulankaasi ayaa waxay sheegtay in lagu jiro xili guulo wax ku ool ah laga soo hooyay dhinacyada horumarka loona baahan yahay in la sii karaargaliyo.

Marwo Maajida Maxamed oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay tidhi ”sidaan wada ogsoonahay waxaan ku guda jiraa gabagabadii hirgalinta qorshayaasha koboca dhaqaalaha iyo isbadalka horumarineed ee 5 sano GTP iyo u diyaar garowga qorshaha GTP2 taasi oo barnaamijka kobcina awooda fulineed shaqaalaha dawladu uu yahay tiirarka ugu muhiimsan ee lagu hirgalinayo qorshaha GTP islamarkaana nidaamka qiimaynta shaqada iyo darajasiintu yahay qayb ka mid ah hirgalintiisa”.

Waxaa kale oo ay marwo Maajida Maxamed carabka ku adkaysay ahmiyada uu leeyahay sii xoojinta iyo  hirgalinta barnaamijka PPR iyo doorka ay hogaamintu ku leeyihiin hirgalintiisa.

Wasiir ku xigeenka wasaarada adeega shacabka ee JDFI Dr Misraaq Mokonen oo ka hadashay kulankaasi ayaa sharaxday ahmiyada uu leeyahay barnaamijka qiimaynta shaqada iyo darajo siinta waxayna sheegtay in ay diyaarintiisa iska kaashadeen wasaarada adeega shacabka JDFI mac'hadka maaraynta itoobiya iyo xafiisyada adeega shacabka ee 9ka deegaan iyo 2 ismaamul magaalo uuna yahay mid diirada saaraya isku dheeli tirka baaxada shaqada nooca shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha uuna yahay mid dheeli tiran oo sobobaya waaritaanka shaqaalaha loona baahan yahay in ay sidiisa loo hirgaliyo.

Ugu danbayntii khabiiro ka socday wasaarada arimaha adeega shacabka ee JDFI ayaa si durugsan uga warbixiayay farqiga u dhexeeya nidaamkii hore ee loo yaqaanay habka qeexida booska (position classification method) hanaankaasi oo ahaa nidaam si cad u qeexayay baaxada shaqada,noocyada shaqo, iyo culayska shaqada. Taasi oo ay lagama maar maan noqotay in la badalo islamarkaana islamarkaana la hintiso hirgalinta barnaamijka qiimaynta shaqada darajo siinta (job evaluation and grading).