Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ogaysiis: Dhamaan Jaaliyada DDSI ee Germany Kasoo Qaybgalka Xaflad Kusaabsan Biyo Xidheenka Abbay Oo Ay Kasoo Qayb Galayaan Madax Sare Oo Dalkeena Ethiopia Ah

Frankfurt Germany(CO) Khamiis.April.16.2015, Waxaa dhammaan jaaliyadda sharafta badan ee DDSI ee ku dhaqan carriga Germany la ogaysiinayaa in ay ka soo qayb galaan Xafladda (Biyo xidheenka Abay) xafladaas oo ka dhici doonta Magaalada Frankfurt, Maalinida Sabtida saacadu markay tahay 2.00 Duhurnimimo ama 14:00 Uhr ninba siduu u yaqaanno goobtuna waa Kleyer Str.25-60326 Frankfurt.

Xafladaasi waxaa looga hadli doonaa heerka uumarayo Biyoxidheenka wayn ee Abay waxaana warbixin inaga siinaya madax sare oo ka socda dawladeenna Ethoipia waxaa kale oo aan halkaas ka maqnaan doonin in la iibsado Boondhiga Abay.

Hadaba waxaan mar labaad si sharaf badan looga codsanayaa sidii hore looga bartay Jaaliyadda DDSI in ay si habsami ah uga soo qayb galaan xafladaasi.

Wixii faah faahin ah kala xiriira Telefoonadan:

Abdirashiid Shariif Ali +4915216383791
Farxaan Cawil shire  +4915210381751
Ugaas Ahmed Hassan Xaali +4915212156549