Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Masuuliyiin uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Jarar oo Booqday Mashruuca Biyo Galinta iyo Horumarinta Dhul-daaq Simeedka Birqod, Gunagado, Marsin, Danood iyo Gaashaamo.

Dhagxbuur(CN) Khamiis.April.16.2015,Masuuliyiinta uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka jarar mudane Farxaan Cabdi Maajuun ayaa waxay  kormeer shaqo ku soo mareen mashaariicaha horumarineed ee ka socda gobolka oo uu ka mid yahay mashruuca wayn biyo galinta iyo horumarinta dhuldaaqsimeedka isku xidha degmooyinka birqod, gunagado marsin danood iyo gaashaamo oo ka kala tirsan gobolada Jarar, Qoraxay iyo Doolo.

Mashruucan oo ah mashaariicaha waawayn ee ay xukuumada DDSI ka hirgalinayso deegaanka islamarkaana gashi horumarineed u noqonaya guud ahaanba deegaanka  ayaa waxaa fulintiisa gacanta ku haysa wakaalada dhismaha hawlaha biyaha ee DDSI.

Gudoomiyaha gobolka Jarar mudane Farxaan Cabdi Maajuun oo u waramayay warbaahinta deegaanka yaa sheegay in ay socdaalkaasi ugu kuurgalayeen heerka uu marayo mashruucani iyo waliba qaarka mid ah mashaariicaha kale ee laga wado gobolka.

Wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in mashruucani yahay mashaariicaha waawayn ee laga hirgalinayo deegaanka, laga soo bilaabo ilaa wakhtigii la bilaabay ilaa hadana uu sidii loogu talagalay ee uu qorshuhu ahaa ku socto meel fiicana marayo wuxuuna sheegay  in lagu soo gabagabayn doono wakhtigii loogu talagalay isaga oo ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay marshruucani taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay in marka hore looga faa’iideeyo bulshada helitaanka biyaha nadiifta ah, in ay duunyada ka hesho biyo ay cabto iyo in looga faa’iidaysto horumarinta dhuldaaqsimeedka.

Qaarka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmooyinkaasi ayaa si diiran u soo dhaweeyay mashruucan biyo galinta iyo dhul daaqsimeedka.