Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ururka Dhalinyarada Sedyo Ee North America Oo Soo Dhaweeeyay Dhagax Dhiga Jaamacada Qabri-dahar iyo Warshada Sonkorta Godey.

Jigjiga(CN) Sabti 18.04.2015 ururka dhalinyarada sedyo north america ayaa si wayn oo hambalyo iyo bogaadin ku dheehan tahay usoo dhaweeyay dhagax dhiga  jaamacada qabri-dahar iyo warshada sonkorta ee godey iyo dhamaan mashaariicaha GTP2 ga ee ka socda deegaanka.

Gudoomiyaha ururka sedyo north america mudane Cabdiwaduud Axmed Gaani oo shabakada CakaaraNews lasoo xidhiidhay ayaa sheegay in ay si balaadhan u taageersan yihiin una soo dhawaynayaan dhagax dhiga jamacada Qabri-dahar oo ah mid aad loogu farxo wax tar balaadhana uyeelan doonta guud ahaanba dalka iyo deegaankaba.

Sidoo kale warshada sonkorta Godey iyo dhamaan mashaariicaha kala duwan ee ka socda deegaanka waxaa masuulku xusay in ay taageersan yihiin kana qayb qaadan doonaan hir galinta wareega labaad ee qorshaha shanta sano ee deegaanka.