Munaasabad Ka Dhacday Magaalada Rotterdam iyo Madaxwaynaha oo Khadka Telefonka Kaga Qatbgalay.

Holl(CN) Axad April.19.2015. Waxaa magaalada Rotterdam ee dalka Netherlands ka dhacay maalinii jimcaha 17/04/2015 xaflad balaadhan oo si fiican loosoo agaasimay soona qaban-qaabiyeen jaaliyada degaanka Soomaalida Ethiopia ee Holland iyadoona shirkan ujeedooyinkiisa ugu waawayni ka mid ahaayeen taageerada Jaamacada Qabridahar iyo soo dhowaynta warshada sonkorta ee Godey.

Ugu horeyn waxaa goobtaas ka hadlay G/xigeenka jaaliyada degaanka somalida Ethiopia ee Qaabilsan jaaliyada Dalka Holland Mudane Ahmad mukhtar oo sharaxaad ka bixiyey sida ay muhim utahay kulamada noocaan oo kala ah ee jaaliyada asagoona ooga mahadceliyey kasoo qaybgalayaasha kulankan.

Waxaa uu masuulku ugu hambalyeeyay xukumada hada jirta iyo XDSHSI guulaha ay ka soo hooyeen dhinacyada nabadgaliyada,maamulka suuban,xidhiidhka qurbajoogta iyo horumarka guud ahaan ka taabogalay deegaanka gaar ahaana jaamacada 2aad ee magaalada qabridahar la dhagaxdhigay iyo warshada sokorta ee godey kuwaasoo kaalin fiican ka gali doona dhimista saboolnimada iyo kobaca dhaqaale.

Sidoo kale Waxa xaflada laga daawaday filim Docomenteri ah oo loogo magacderay shalay iyo maanta kasoo ka shekaynayo Waxay dhamaan jaaliyada wada qireen inaan la iska indha tiri Karin Horumarka xowliga ah ee ka socdo degaanka waxayna isku wada raceen in si wada jir ah loola dagaalamo waxii wax u dhimayo nabadgaliyada degaanka maadama ooy nabadgaliyo la,aanteed uusan horumar jiri Karin.

Waxa sidoo kale dadka meesha ka hadley kamid ah Sahro Ahmed oo ah haweeneey udooda xuquuqda dumarka ayadoo xukumada iyo madaxweynaha dowlada degaanka Mudane Abdi mohamud Omar ku amaantey sida qadarinta leh eeey dumarka xaqii ay dowlada ku lahayeen looga siiyey oogana dhexmuuqdan heer wasiiro ilaa madaxweyne ku xigeenba .

Dhanka kale Waxaa gabagabadii xafladan khadka talefoonka kaga qayb galay madaxweynaha Dowlada degaanka somalida Ethiopia Mudane Abdi Mohamud Omar oo warbixinta waxqabadka xukuumada dhinacyada horumarka,n/galyada maamulka suuban maalgashigaiyo xidhiidhka ka siiyay jaaliyada DDSI ee Holland waxaana uu madaxweynaha ooga warbixiyey jaaliyada heerka degaanka maanta uu marayo marxaladahii lasoo marey iyo sida ay qurbo joogta ugga qayb qaadan lahayeen dib udhiska Dalka , madaxweynaha ayaa kula dardaarmey inay jaaliyaduhu ka dheraadaan aragtida qabiilka iyo waxii lamid ah ayna gacmaha isu wada qabsadaan sidii shacbka deegaanka looga saari lahaa saboolnimada iyo gaajada oo ah cadawga maanta.

Waxaa xusuus mudan in madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu xiligaas  madaxweynaha uu ku jirey xaflad taarikhiga ah oo ka socotay Guriga martida Qaryaan Dhoodaan oo ay ku sugnaayeen madaxweynayaasii degaanka somaray marka laga reebo C/laai maxamed Sacdi iyo Xasan jire oo Geeriyooday taasina waxay ku tusinaysaa sida uu runtii madaxweynaha uu ula jiro ama mudnaanta u siinayo  shacabkiisa gudo iyo dibadba waana arin mudan in la xuso .

Isku soo wada duuboo Waxaa si fiiican ugu soo gabogabowdey xafladdii jaaliyada degaanka somalida Ethiopia ee Dalka Holland waxayna jaaliyadu leedahay Quraanshooy ku Quuuso kkkkkkkkk