Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Dhamaan Jaaliyada Germany Ethiopia Ayaa Shir Balaadhan Oo Warbixinta Biyo Xidheenka Abbay Kulayeeshay Masuuliyiin Kasocday Dawlada Federaalka.

Germany-Frankfurt(CN) Talaado.April.21.2015, shir balaadhaan oo ay ka soo qayb galeen dhammaan jaaliyaadka Ethiopia ee ku dhaqan cariga Germany ayaa maalinimadii sabtida ka qabsoomay Magaalada Frankfurt shirkaas oo ay soo qabanqaabisay safaaradda Ethiopia ee fadhigeedu yahay Berlin.

Ujeedada shirka oo ahayd warbixin ay dawladda Fedaralka Ethiopia  ay kaga warbixinayso heerka uu maray Mashruuca (ABAY) tan iyo maalintii la bilaabay ilaa iyo maanta war bixintaa oo ay jaaliyaadku aad u xiisaynayeen ayaa waxaa ugu horayntii haddallo soo dhawayn iyo mahadcelin isu jira ka soo jeediyay Qunsulka Guud ee dawladda federalka u fadhiya Magaalada Frankafurt Mr Mehrata Mulgeta oo isagu sheegay mashruuca Abay ama biyoxidheenka  inuu yahay Mashruucii qarniga Afrikana inteeda badan ay ka faaiidaysan doonto Mr Mehrata oo sheegay inuusan hadalka ku dheeraan doonin, waayo halkan waxaa  fadhiya ayuu yidhi wafdi heer federal ah oo inoogu yimid inay warbin inaga siiyaan Mashruu Abay.

Intaas kadib ayaa waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Nin oday ah oo loogu magacdaray (AABIHII NABADDA IYO HORUMARKA DALKA ETHIOPIA) Ninkaas oo loo wada istaagay ixtiraam waynna loo muujiyay inta uusan hadalka billaabin.

Dadka intiisa badani aqoon uma wada lahayn ninka odayga ah laakiin waxaa lawada ogaaday markii magaciisa lagu dhaqaaqay oo ahaa Nabadoon SABAD NEGGA waxa uu hadalkiisa ku billaay Mahadcelin isaga oo ay wajigiisa ka muuqato qiiro wadaninimo waxuu yidhi maanta aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan idinka la qaybqaato barnaajijkan quruxda badan Dhammaan jaaliyaadka Germany aad iyo aad ayaad u mahad santihiin.

Mr. Sabad Negga oo hadal dheer oo dhinacwalba taabanaya ka soo jeediyay xafladda ayaa ku dheeraaday mashruuca abay iyo waxtaraka mustaqbalka jiilka soo koraya uu u leeyay waxa uu sheegay in dawladda Ethiopia ay ka go,antahay inay dhamaystirto  Mashruuca Abay, Mar uu ka hadlaayay waxqabadka dawladda federakla ee maanta jirta waxa uu sheegay in mudadadii 24 sano ahayd guud ahaan waddanku uu ku talaabdasay horumar aan la iska indho tiri karin haddii ay noqoto dhinaca Nabadgalyada, waxbarashada, Caafimaadka Isgaarsiinta iyo Teknolajigaba,

Mr Nagad oo aad ugu dheeraaday dhinaca nabadgalyada mar uu ka hadlaayay ayaa sheegay xilligii uu xukunka la wareegay Xisbiga talada maanta haya ee EPRDF ayaa dad badani waxay rumaysnaayeen in Ethiopiaa ay kala Go,goayso waayo waxay tusaale u soo qaadanayee ayuu yidhi Ethiopia waa qoomiyado kala duduwan dhaqan ahaan luuqad ahaan diin ahaan intaba way ku kala gadisan yihiin sidaas darteed hal dawlad laguma heshiin karo ayay ku doodayeen kooxo qaarkood ayuu yidhi.

Mar uu ka had laayay Mashruuca ABAY ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan dad aan raali ka ahay horumarka iyo nabadda ka islaaxday guud ahaan Ethiopia tusaale waxa uu usoo qaatay cadawga Ethiopia oo mar walba been la meeraysta meelaha ay joogaan waxay odhan jireen Masar iyo Suudaan ayaan Raalli ka ahayn oo hir gali maayo Mashruuca Abay taasi way beenoowday oo madaxwaynii Masar ayaaba noogu hanbalyeeyay laba wiig ka hor Addis Ababa ayuu joogay waana lawada hadlay raalli ayuuna ka yahay Madaxwaynaha suudaanna mar hore ayuu sheegay in aysan waxba ka qabin dhaamka Abay.

Intaas kadib waxaa hadalkii lagu soo wareejiayay safiirka cusub ee dawladda Federalka Ethiopia ee fadhigiisu yahay Berlin Ambasadar Kuma Dhamase oo isagu aad ugu mahad celiyay dhamman jaaliyadaha Garmalka sida wanaagsan ee aya uga soo qayb galeen gaar ahaan Jaaliyadda DDSI oo uu sheegay shirarka Dibadaha lagu qabto in ay somalidu tusaale u tahay qawmiyadaha kale isagoo hadalkiisa ku daray somalida Itoobiya waa dadka ugu Iibsiga badan Bondhiga marka sidan oo kale la isugu yimaaddo waxa uu si gaar ah ugu mahad celiyay mas,uuliyiinta Jaaliyadda DDSI ee Germany isagoo fursad u siiyay inay ka hadlaan xafladaan quruxda badan.

Waxaa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Jaaliyadda DDSI ee Germany Mr Abdirashiid Shariif Cali oo ugu horayntii aad ugu mahad celiyay sida wanaagsan ee loogu sharfay shirkan jaaliyadda DDSI isaga oo hadalkiisa siiwata wax uu sheegay Mr Shariif in Ethiopia maanta ay u talaabsatay xagga horumarka gaar ahaan DDSI waxay gaadhay wax ayna hadda ka hor gaadhin xukuumadihii ka horeeyay tan maanta jirta ee uu hogaaminayo mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxa uuna ku bogaadiyay maalinba maalinta ka danbaysa talaabada wanaagsan  uu samaynayo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar isagoo tusaale u soo qaatay casuumaadii ama kullankii Dhammaan madaxwaynayaashii isaga ka horeeyay ee uu isugu yeedhay hadda ka hor ma aysan dhicin waa wax ilaahay lagu mahadiyo horumarka iyo waxqabadka ka socda DDSI waa mid aan laqarin karin. sidaas ayuuna shirkii Guud ee Jaaliyaadka Germalka ku soo dhamaaday.