Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI Ayaa Aad U Canbaareeyay Falalkii Foosha Xumaa Ee Argagixisada ISIS Ay Sida Naxariis Darada Ah Ugu Dileen Muwaadiniinta Itoobiyaanka Ah.

Jigjiga(CN) Talaado.April.21.2015, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa aad u canbaareeyay dilkii foosha xumaa ee ay kooxda argagixisada ISIS u gaysatay muwaadiniinta Itoobiya ee aan waxba galabsan kuwaas oo kusugnaa Libya.

Madaxwaynaha ayaa yidhi "ficilkan foosha xun ee naxariis darada ah waxaa uu si wayn u taabtay wadnahayaga malaayiinta Itoobiya oo dhan iyo cidkasta oo damiir binu aadamnimo kujirto, waxaana cadaynaynaa inaan halgankii ka hortaga argagixisada iyo ladagaalanka falalka foosha xun uu sii laba jibaarmi doono."

Mar uu madaxwaynuhu ka hadlayay kooxahan argagixisada ah ayuu sheegay inay ficiladani yihiin kuwo duulaan ku ah magaca islaamka, wanaaga iyo sharafta diinta islaamka taasina ay caqabad ku tahay soo jiidashadii diinta islaamka ee wanaaga iyo sharafta u saaxiibka ahayd. Wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in argagixisadu ay yihiin cadawga aadamaha islamarkaana aysan jirin wax diin ah oo ay leeyihiin.

Sidoo kale waxaa uu madaxwaynuhu canbaareeyay falalkii axmuqnimada ahaa ee dhwaanta kadhacay wadanka Koonfur Afrika taasoo lagua kacay dadka kasoo jeeda wadamada kale ee Afrika. Wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in dhamaan falalkani ay yihiin kuwo binu-aadam ka aan kasuurtoobin marka laga reebo kuwan xawaayanka kasii xun ee dadka nolosha kugubaya.