Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI Oo Ay Wahelinayeen Masuuliyiin Heer Deegaan ah Ayaa Maanta U Anbabaxay Addis Ababa iyo Shirkii Arimaha Dhoofinta iyo Soo Dajinta Wax-soosaarka Dalka.

Jigjiga(CN) Jimce.April.24.2015, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wahelinayeen wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI  mudane Khadar Cabdi Ismaaciil iyo wasiirka dakhliga  DDSI mudane Axmed Maxamed Shugri ayaa maanta ka anbabaxay xarunta deegaanka ee magaalada Jigjiga islamarkaana u kicitimay dhanka Addis Ababa ee caasimada dalka.

Madaxwaynaha iyo masuuliyiintan wahelinaysa ayaa Addis Ababa u tagay kaqayb galka shirka heer federaal ee uu hogaaminayo raysal wasaaraha DFI mudane HaileMariam Desalegn kaas oo looga hadlayo arimaha dhoofinta iyo soo dajinta waxsoosaarka ee wadanka (import export).

Shirkan caadiga ah oo bilaabanaya maalinta bari ah ayaa si balaadhan loogaga hadlaa arimaha laxidhiidha dhoof gaynta iyo soo dajinta waxayaabaha khayraadka, waxsoosarka iyo ganacsiga. Waxaana kasoo qayb galaya madaxwaynayaasha deegaanada, wasiirada ganacsiga iyo dakhliga ee deegaanada iyo dalkaba.

Shirkan ayuu deegaanka Soomaalida Itoobiya kaqayb galayaa markii 3 aad iyadoo ay saddexdii sano ee u danbaysay uu deegaanku si xawli ah u dhiifinayay wax soosaar kala duwan oo ay ugu horayso sinsinta iyo xoolaha oo markii ugu horaysay si sharciya looga dhoofiyo. Waxaana hada kahor deegaanka

Kala soco shabakada cakaaranews oo dib idin kala soo socodsiin doonta faah faahinta shirka dawlada federaalka ee diirada saaraya arimaha dhoofinta iyo soo dajinta (Import Export).