Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Qurbajoogta Itoobiya Ayaa 9-kii Bilood ee U Danbaysay Gadatay 3.6 Milyan Doolar Oo Bondhiga Biyo Xidheenka Abbay Ah.

Jigjiga(CN) warbixin ay soo saartay wasaarada arimaha dibada ee DFI oo sheegaysa qurbajoogta kusugan dalka dibadiisa ee reer Itoobiya ayaa sagaalkii bilood ee u danbaysay soo xareeyay 3.6 Milyan Doller oo ah iibsiga bondhiga biyo xidheenka wayn ee dib u curashada Itoobiya (Abbay).

Sida uu sheegay madaxa xogaha iyo daraasaadka qurbajoogta ee wasaarada arimaha diba ee DFI mudane Tafare Malase waxaa ay tani boondhiga kasakow kutusinaysaa ilaha dakhliga ee dalka dibadiisa. 

Warbixintan ayaa sheegaysa in ay qurbajoogtu saddexdii sano ee u danbaysay ay iibsadeen in kabadan 25 milyan Doller oo Bondhiga biyo xidheenka Abbay ah. Qurnajoogtan Itoobiya ayaa markasta ah kuwo garab taagan hirgalinta himilooyinka qorshyaasha horumarineed ee dalka iyadoo ay xusid mudantahay in qurbajoogta Soomaalida Itoobiya aay kaalin horumuudnimo kaqaataan guud ahaanba hawlaha horumarka dalka iyo deegaankaba.