Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Boqolaal Kudhimatay Dhulgariirka Kadhacay Wadanka Nepal ee Koonfur Asiya.

Kathmandu(CN) Sabti.April.25.2015, ugu yaraan 970 qof ayaa inta lagaranayo kudhimatay dhulgariirka xoogan ee kudhuftay wadanka Nepal ee koonfurta Asia. Dhulgariirkaas oo cadadkiisu gaadhayay 7.8 magnitude wuxuu maanta kadhacay inta u dhaxaysa magaalada Kathmandu iyo magaalada Pokhara.

Dawlada Nepal ayaa xaqiijisay dhimashada dadka iyadoo ay dad kale oo badana ay ku hoos jiraan burburka uu gaysatay dhulgariirkan islamarkaana uu dhismayaal badan burburiyay. Dawlada ayaa kudhawaaqday xaalad deg deg ah goobaha uu saameeyay mashaqada dhulgariirkaasi.

Dhulgariirkan ayaa waxaa laga dareemay wadamada gobolka Koonfurta Asia iyadoo sidoo kalena laga soo sheegayo khasaare nafaad wadamada India, Bangladesh, Tibet iyo Buurta dheer ee Mount Everest.