Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shirkii Arrimaha Dhoofinta Waxsoosaarka Dalka Oo Goor Dhawyd Lasoo Gabagaboobay.

Addis Ababa(CN) Sabti.April.25.2015, waxaa goor dhaw lasoo gaba gabeeyay Shirkan caadiga ah ee heer federaal oo looga hadlayay arrimaha dhoofinta wax-soosaarka dalka, waxaana hogaaminayay raysal wasaaraha DFI mudane HaileMariam Desalegn, kaasoo ay kasoo qayb galeen dhamaan madaxwaynayaasha deegaanada, wasiirada ganacsiga iyo dakhliga ee deegaanada iyo dalka.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wahelinayaan wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil iyo wasiirka dakhliga DDSI mudane Axmed Maxamed Shugri ayaa sida aad warkanagii shalay CakaaraNews kala socoteen soo gaadhay Addis Ababa iyo kaqaybgalka shirkan qaran ee looga arinsanayay arimaha dhoofgaynta waxsoosaarka dalka.

Shirka oo ayaa lagusoo bandhigay warbixinta biliii asoo dhaafay ee dhinaca waxsoosaarka dalka ee la dhoofgeeyo halkaas oo lagu xaqiijiyay in wax-soosaarka dalku uu kor u kacay. Sidoo kale shirka ayaa jihooyin laga bixiyay qorshaha sanadka cusub ee 2008.

Hadaba deegaanka Soomaalida Itoobiya oo markii saddexaad kaqayb galay shirkan ayaa bilaabay dhoof gaynta Sinsinta cad, xoolaha sida sharciga ah loo dhoofiyo, iyo noocyo kamida khudaarta iyo khayraadka kala duwan. Waxaana deegaanka lagu amaanay ladagaalanka koontarabaanka iyadoo ay deegaanka markii ugu horaysay xoolaha lagala dagaalamay sharcidaradii loogu dhoofgayn jiray.

Deegaanka Soomaalida ayaa shirkan kasheegay in uu dhamaynayao bisha Sane (10) ee soo socota mashruuca maxjarka xoolaha ee laga dhisayo xarunta deegaanka ee magaalada Jigjiga kaasoo qayb wayn ka qaadan doono dhanka khayraadka xoolaha.

Iskusoo wada duuboo shirkan ayaa maanta kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsan iyadoo lagu heshiiyay in lasii xoojiyo waxsoosaarka dalka islamarkaana jihooyin wax ku oaal laga bixiyay diyaarinta qorshaha sanadka cusub ee 2008 ee tirsiga dalka.