Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Cumar Al Bashiir Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxwaynanimo Ee Dalka Suudaan.

Khartuum(CN) Isniin.April.27.2015 doorashadii madaxwaynanimo ee wadankaas Suudaan ayuu kuguulaystay markale madaxwayanaha dalkaasi Suudaan Mr Cumar Xasan Axmed Al Bashiir.

Natiijada doorashadan ayaa si rasmi ah maanta loogaga dhawaaqay iyadoo lasheegay inuu Mr Cumar Al Bashiir ku guulaystay boqolkiiba 94.

Madaxwayne Al Bashiir ayaa kufaraxsan guusha doorashadan iasgoo sheegay inuu kor u sii qaadi doono dhaqaalaha dalka, walow ay mucaaradku eedeeyeen hab dhaca doorashadaasi.

Doorashadan ayaa ah midii ugu horaysay ee Suudaan kadhacda taniyo intii ay ka go'day Koonfurta Suudaan wadankaasi.