Sanad Guurada 5aad Ee Xuska Toddobaadka Cadaalada Oo Si Balaadhan Maanta Looga Xusay Xarunta Deegaanka ee Jigjiga.

Jigjiga(CN) Talaado.April.28.2015, Munaasabada Sanadguurada 5aad ee toddobaadka cadaalada oo maalmahan siwayn loogu diyaar garoobayay guud ahaanba deegaanka ayaa maanta si meeqaam sare ah uga dhacday xarunta deegaanka ee jijiga gaar ahaan hoolka shirarka ee Sayid MCX.

Munaasabadan oo halku dhig looga dhigay ”cadaaladu waa halbeega horumarka” ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaarka mid ah masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI masuuliyiinta hay’adaha calaadaha iyo amniga, golaha wasiirada DDSI, saraakiisha ciidamada kala duwan ee amniga, shaqaalaha dawlada, qaybaka kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale.

Waxaana khudbad dheer oo ku qotonta guulaha laga soo hooyay dhinaca hay’adaha cadaalada ka soo jeediyay wasiirka cadaalada iyo xeer ilaalinta guud ee DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qaloonbi, wuxuunta tilmaamay in munaasabada toddobaadka cadaaladuhu mudnaan gaar ah u leedahay xuquuqaha qoomiyadaha shucuubta iyo dadyowga dalkeena itoobiya gaar ahaana deegaankeena.

Wuxuuna wasiirku si durugsan ugu nuux nuuxsatay dhibaatooyinkii hagar’daamooyinkii cadaadiskii iyo cabudhiskii hore u soo maray dalka iyo deegaankaba oo lid ku ahaa fidinta iyo fulinta cadaaladaha, wuxuuna xusay   in ay taasi dhinaca socdeen ururadii nabadiidka oo carqalad adag ku ahaa hirgalinta cadaaladaha taasi oo markii sanadihii ugu danbeeyay la qaatay dadaalo balaadhan si buuxda loo hirgaliyay fulinta cadaaladaha.

Isaga oo wasiirku hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu ka warbixiyay guulaha laga soo hayey nidaamka cadaaladeed oo dhamays tirin lana sii xoojiyay dhinacyada wacyigalinta shacabka, danbi ka hortaga, baadhista iyo oogista helitaanka xukun garsoor oo hufan waafagsana sharciga iyo waliba dhaqantoosinta.

Gudoomiyaha maxkamada guud ee DDSI mudane Ugaas Cabdilaahi oo munaasabadaasi khudbadka soo jeediyay ayaa si qoto dheer uga warbixiyay guulaha sanadihii ugu danbeyay laga gaadhay hay’adaha cadaalada iyo saraynta sharciga.

Gudoomiyaha oo ugu horayntii tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii iyo guud ahaanba shacabka itoobiya ee ay ka bixeen muwaadiniintii maalinta dhawayd ay xasuuqeen kooxaha argagixisada ah dalka liibiya.

Wuxuuna gudoomiyuhu ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay xusitaanka toddobaadka cadaaladu isaga oo sheegay in ay sanadkan ku soo beegan tahay xili guulo waawayn oo dhinaca kasta leh laga gaadhay hay’adaha cadaaladaha hoos u dhaadhicinta cadaaladaha, gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu tilmaamay heerka laga dhaagay ilaalinta xuquqaha haweenka oo ay ka mid yihiin ayuu yidhi hogaaminta xukuumada ugu daraysa iyo waliba dhinaca doorashooyinka oo uu XDSHSI siiyay ahmiyada gaar ah haweenka.

Hogaanku xigeenka nabadgalyada iyo cadaalada DDSI mudane Shugri Badal ayaa si mug leh uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay xusitaanka toddobaadka cadaalada wuxuuna sheegay in ay sal u tahay hirgalinta cadaaladaha sugitaanka amniga taasi oo si mug leh loogu guulaystay xasilintaanka amniga guud ahaanba deegaanka hay’adaha cadaaladununa siwayn uga midha dhaliyeen halbeegyadii cabirka horumarka, isaga oo hogaanku xigeenku hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu booriyay hayada cadaalada iyo bulshaduba siwayn uga midho dhaliyaan dadaalada lagu sii karaar galinayo nidaamka cadaalada.

Kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI ayaa waxay munaasabadaasi ku soo bandhigayeen hooso iyo dhaantooyin ku taxa luqa ahmiyada ay leedahay musaanadabani iyo sii xoojinta hay’adaha cadaaladaha.