Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Khabiiro Kasocda Dugsiga Tababarka Siyaasada Ee Males Zinawi Oo Jigjiga Yimid.

Jigjiga(CN) Talaado.April.28.2015 dalka Itoobiya ayaa 20-kii sano ee u danbaysay waxaa uu kutalaabsaday horumar dhan walba ah kaasoo soo jiitay dhagaha iyo indhaha caalamka.

Horumarkan ayaa waxaa sabab u ahaa bisaylka, kartida, iyo garaadka siyaasadeed ee uu dugsigani siiyo masuuliyiinta EPRDF iyo kuwa ururada bahwadaagta la ah sida XDSHSI. Waxaana lasoo qaadan karaa tababaradii muhiimka ahaa ee uu dugsigu qabtay doorashadii 1997 T.I markay dalka kadhacday, wuxuu dugsigu sanadkii 1998 bixiyay tababar  dhanka siyaasadeed ah magaalada Naazireet, waxaana kamid ahaa masuuliyiintii dalka ee xiligaas kaqayb galay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq.

Doorashadii 2002 E.C markii ay dalka kadhacday wuxuu dugsigu sanadkii 2003-dii magaalada Addis Ababa ku qabtay tababar aad muhiim u ahaa, waxaana kamid ahaa masuuliyiintii xiligaas nasiibka u helay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka baaramanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq. Sidoo kale wuxuu dugsigu hada u diyaar garoobayaa tababarka doorashada 2007 kaasoo uu bixin doono 2008.

Hadaba dugsiga oo wax qabadkiisii dhisida garaadka siyaasadeed ay midho dhashay ayaa haatan qiimayn uu sameeyay ku ogaaday inay muhiim tahay in tababarka lagusoo biiriyo xaaladaha dhabta ah ee deegaan walba.

Sidaas awgeed dugsiga ayaa waxa uu deegaanadaas u diray khabiiro daraasaad kusoo sameeya xaaladahooda dhabta ah si loogu daro tababarka uu dugsigu bixin doono kadib doorashada 2007 E.C ee bisha Ginbood ee fooda inagusoo haysa dhici doonta.

Daraasaadkan ayaa waxaa sabab u ahaa khibradaha uu dugsigu ka helay tababaradii uu horey u bixiyey gaar ahaan doodihii gaar gaarka ahaa ee masuuliyiintii tababaranaysay ay soo dhigeen in lagu saleeyo xaalada deegaanka gaarka u ah.

Sidaas darteed waxaa uu dugsigu dhamaan deegaanadaas u diray khabiiro daraasaad kusoo sameeya nooca tababarka baahiyeed ee deegaankasta khaaska u ah islamarkaana saamaynta ku leh kamidho dhalinta qorshayaasha horumarineed iyo nabadgaliyo sida dhaqanka, diinta, aragtida, qabiilka, khibrad waxbarasho, xirfadaha, saboolnimda, sooyaalkii maamuladii dulsaarka ahaa iyo fikiradii nabadiidka iyo sida ay saamaynta ugu lahaayeen dhibkii nabadgaliyo darada iyo abuuritaankii nabadiidka caqabada ku ahaa horumarka.

Sidoo kale wuxuu daraasaad iyo cilmi baadhis kusamayni sababihii iyo xeeladihii ay xukuumadan haatan jirtaayi ku keentay isbadalka dhan walba ah ee DDSI:

-sida ay nabadiidkii hubaysnaa ku baabi'iyeen.
-xeelada ay u adeegsadeen qalajinta ilaha dhaqaale ee nabadiidka.
-tirtirida aragtida ee dhanka nabadiidka.
-xidhiidhka dadwaynaha ee dalka iyo dibada .
-abuurida qaab dhismeedka nabad galiyo iyo kan horumarineed.
-nidaamka suuban ee lagu hirgaliyay dib u curashada iyo natiijadii sida xawliga ah u hirgashay ee dhanka biyaha, jidadka, caafimaadka, waxbarashada, nidaamka xoolo-dhaqato beeralaynimada, iyo maalgashiga.

Daraasaadkan ayaa waxa uu xooga saari doonaa sidii loo heli lahaa cilmi ama aqoontii kusalaysan khibrad hogaamineed oo loo adeegsado tababarka garaadka siyaasadeed ee hogaaminta lasiin doono kadib doorashada (2007) sida ku cad qorshihiisa uu qaban doono 2008 E.C.

Khabiiradan kasocday dugsiga tababarka siyaasada ee Males ayaa waxay maanta aad u soo dhaweeyeen islamarkaana ay aad ula yaabeen bisaylka siyaasadeed ee hogaaminta haatan gaar ahaan sidii ay horey ugu diyaariyeen qoraalo iyo dukimiinti tababareed oo ay si heer sare ah u diyaariyeen hogaaminta sare ee DDSI kaasoo ay waliba tababar kusiiyeen hogaaminta DDSI oo waliba si khaas ah u samaysatay dugsiga tababarka siyaasada oo si dhab ah u hawl galiyay.