War Deg-Deg Ah: Komishinka Musuqa Iyo Xafiiska Hanti Dhawrka Guud Oo Sheegay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Cadaymo Dhamaystiran.

Jigjiga(CN) galinkii danbe ee maanta ayay labadan xafiis si cad shaaca uga qaadeen in ay ku guulaysteen ama ay gacanta kudhigeen cadaymo dhamaystiran oo dhan walba ah.

Xubnahan ay cadaymahani ku dhamaystiranyihiin ayaa  isugu jira :
1-mid horey wanjalanyaa u ahaa (fulaynimadana heerka koobaad galay) .
2-mid horeyaba UBO u ahaa ama lagu cadeeyay.
3-mid horey wadhogabi u ah ( SSI duna ay u taqaano fulay baala xoofto, heerka fulaynimadiisuna tahay kaalinta labaad)
4-mid horey u soo maray qaab dhismeed dal kale (darajada fulaynimadiisuna ay tahay kaalinta koobaad oo + u dheer tahay, +A ayuu heerka fulaynimo yahay)

Cadaymahan ayaa ah kuwo cidwaliba ay si dhab ah ugu qanci doonto markii lasoo hordhigo ama ay aragto waana cadaymo aysan waxba kabadali karin xataa hadii lashaaciyo. Sidoo kale waxaa iskacad in cid waliba oo muwaadin ah xataa kii wax tabani inuu ku khasbanyahay hirgalinta xogtan u baadhitaan aad u xeel dheer oo si cad oo cilmiyaysan loo baadhay.

Cadaymahan ayaa waxaa kamida kuwo ay dad kale gacanta ku hayeen balse ay hada si qoomoma ah oo ay muwaadinimo kujirto u soo bandhigeen.