Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wafti uu Horkacayo Madaxwaynaha DDSI Oo Xadhiga Kajaray Buundada Taariikhiga Noqotay Ee Waangey Islamarkaana Dhagax dhigaya Mashaariico Kala Duwan Gobolkaasi Nogob Oo Ay Wali Kusuganyihiin.

Lagahida(CN) Khamiis.April.30.2015, wafti sare uu horkacayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga bilaabo arbacadii shalay kusugan gobolkaasi Nogob oo ay waftigu mashaariico kala duwan dhagax dhigayaan islamarkaana uu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar uu xadhiga kajaray buundada taariikhiga noqotay marka laga eego baahida iyo sidii loo sameeyay ee WAANGEY ee gobolkaasi Nogob.

Waftigan uu horkacayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa kamida wasiiru dawlahaha wasaarada DFI ahna iskuduwaha MDG ee deegaanada Soomaalida iyo Canfarta mudane Ristu Yirga,  Maareyaha Guud ee Wakaalada Dakhliga DDSI mudane Axmed Maxamed Shugri, Guddomiyaha Gobolka Nogob mudane Cabdi Cali Mataan, Gudoomiyaha Gobolka Jarar mudane Farxaan Cabdi Majuun, Maareeyaha Shirkada Dhismaha iyo Iibka ee Ciidanka Gaarka DDSI mudane Nasradiin Maxamed, maareeyaha Wakaalada Jidadka DDSI mudane Nimcaan Cabdi Obolos, maareeyaha wakaalada daraasaadka iyo naqshadaynta DDSI En. Zuper Cabdilaahi, Maareeyaaha shirkada hawlaha Biyaha DDSI mudane Maxamed Cabdi Waaxid, maareeyaha Kuliyada Macalimiinta ee Cabdimajiid mudane Maxamuud Axmed Nuur(Heeryo) iyo masuuliin kale.

Waxaana madaxwaynaha iyo waftigiisa lagu soo dhawaynayay calanka Calanka, caleemo qoyan iyo halkudhagyo ay kamuuqato shucuur iyo dareen jacayl oo loo qabo dadaalka xukuumada ee kuwajahan horumarka iyo kajawaabida baahida shacabka, waxayna waftigu kuhoreeyeen xarunta gobolka Nogob ee magaalada Fiiq iyadoo ay tuulo tuulo ilaa miyiga kulamo iyo xog iswaydaarsi yeelanayeen.

Madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiiru dawlaha DFI mudane Ristu Yirga ayaa siwada jir ah xadhiga uga jaray Buundada Waangey oo dulmaraysa wabishabeele taasoo ay dhistay shirkada dhismaha iyo iibka ee ciidanka gaarka ah ee DDSI islamarkaana lagu dhisay awooda deegaanka, waxaana wabiga laga leexiyay meeshii uu marijiray ilaa 4 km, iyadoo ay xisid mudantahay in buundada laftirkeedu ay tahay mid ay si cilmiyaysan shirkada Ciidanka Gaarku ay ugasoo rartay Faafan.

Madaxwaynaha oo kahadlay xadhig jarka buundada Waangey ayaa wakhtigii ay waftigu  kagudbayeen buundada Waangey oo ahayd markii ugu horaysay  iyagoo kusii jeeda Lagahida iyo Salaxaad  halkaasi ay warbaahinta deegaanka iyo tan qarankuba (EBC)  kuwaraysatay madaxwayanaha, wuxuuna yidhi "Waxaan aad ugu faraxsanahay Allaha noo suurtagaliyay ggulaha socdaalkii dibada ee dhawaan, dhagaxdhiga mashaariicaha waawayn ee GTP2, iyo guusha ugu wayn oo ah dhamaystirka buundadan oo markii hore aysan cidna kufikiraynin in wabishabeele laga leexiyo ilaa 4km oo buundo lasaaro maantana ay shacabkeenu kafaaidaystaan oo ay degmooyinkii ka xidhnaa deegaanka ay isu furmaan..."

Madaxwaynaha  ayaa hada kahor buurahan Waangey kuyimid lug isagoo sahminaya goob kuhaboon oo wabiga buundadada laga saari karo, wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in uu halkan usoo tilmaamay oday kamida duqayda uu kala tashaday sidii xal loogu heli lahaa degmooyinka deegaanka ka go'an ee kasoo wareegi jiray deegaanada dariska ah ilaa Addis Ababa.

Wuxuuna madaxwaynuhu uga mahadceliyay shirkada dhismaha iyo iibka ee Ciidanka Gaarka ah oo dhamaystirtay buundadan Waangey, injineeradii iyo dhamaan shaqaalihii ku hawlanaa mashruucan. Madaxwaynaha ayaa sidoo kale kawaramay baahiii iyo dhibkii shacabka kuhaystay talaabista buundo la'aanta oo ay  ku dhibnaayeen oo naftooda khatar galinjirtay. Waangey oo katirsan degmada Xamaro ee gobolka Nogob iyo shacabka Xamaro marka ay u baahdaan in ay tagaan Lagahida oo u jirta ilaa 100 KM waxay kukalifijirtay ina ay Fiiq tagaan oo ay Jigjiga ama Baabili Tgaan Kadibna Addis Ababa kadibna Hawasa ilaa iyo deegaanadaas aan dariska nahay.

Hadaba waxay maanta buundadani jabisay oo ay meesha kasaartay dhamaan dhibaatooyinkii xidhiidh, dhaqaale, nabadgaliyo iyo horumar ee degmooyinka Lagahida, Salaxaad iyo deegaanadaasi Baali oo ay maanta madaxwyane Cabdi Maxamuud iyo waftiguusu markii ugu horaysay abid ee madax kasocota deegaanka ama dawlada dhexe kutagaan Lagahida iyo Salaxaad halkaas oo ay shacabku aad ugu soo dhaweeyeen iyagoo ay kamuuqato farxad wayn iyo rayn rayn.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa oo xalayto u hoyday degmada Lagahida  ayaa shirar kulayeeshay bulshada iyo shacabwaynaha kudhaqan Lagahida iyo degmada Salaxaad halkaas oo looga hadlay arimo laxidhiidha horumarka iyo waaga cusub ee u baryaya degmooyinkaasi.

Socdaalkan waftiga uu horkacyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sidoo kale waxaa maanta uu madaxwaynuhu dhagax dhigay Buundo 90 m ah oo oo Waangay Laga dhisi doono maadaama ay tani baahidii deg dega ahayd lagu dhisay maantana ay bixinayso dhamaan adeegii isku xidhka gaadiidka, dadka iyo xoolahaba.

Waftiga ayaa galabta amin gaaban kusoo hoyday xarunta gobolka Nogob ee magaalada Fiiq halkaas oo madaxwaynuhu shir balaadhan uu kulayeeshay shacabka magaalada hoolka shirarka ee M. Fiiq. Waxaana barito lafilayaa in ladhagax dhigo mashaarico kala duwan oo uu kamid yahay kuliyada Wayn ee TVETKA ( Kuliyada Barashada Xirfadaha iyo Farsamada ) oo laga dhisayo  xarunta gobolka ee m. Fiiq. Sidoo kale waxay waftigu wali kusii hawlanaan doonaan hawlaha kormeerka mashaariicaha socda oo ay kamidtahay Buundada Mayomuluqa iyo kuwo kale.