Jaaliyada Magaalada Linkoping Ee Wadanka Sweden Oo Qabsatay Shir Loogu Magacdaray Caano Ka Dhan.

Likoping(CN) Jaaliyada magaalada Linkoping ee wadanka Sweden ayaa qabatay shirbalaadhan oo loogu magac daray caano ka dhan. Shirkaasi  ayaa waxaa lagu daageerayay gulaha horumarineed ee ka jira deegaanka mashaariicaha horumarineed ee qorshaha GTP2 taageerada doorashada XDSHSI.  iyada oo waliba shirkaasi lagu carbaareeyay lagagana soo horjeeday falalkii foosha xumaa ee ay argagixisada dacish ku xasuuqeen muwaadiniinta reer itoobiya.

Waxaana, shirkaasi ka soo qaybgalay hogaaminta jahliyada magaalada Linkoping oo uu ka mid yahay gudoomiyaha jahliyada mudane Yaasiin Sheikh Dahir jahliyada wadanka swedan oo uu ka mid yahay  gudoomiyaha ururka dhalinyarada SEDYO Swedan mudane Maxamed Sheekh Xasan (Huways),  aqoonyahanada jaaliyada ee wadanka swedan odayaasha, haweenka dhalinyarada iyo waliba marti sharaf kale.

Waxaana, furitaankii shirkaasi ka hadlay gudoomiyaha jahliyada Linkoping mudane Yaasiin Sheikh Dahir oo ugu horayntii tacsi u diray ehelkii qaraabadii iyo guud ahaanba shacabka itoobiya ee ay ka bixeen muwaadiniintii ay kooxda  argagixisada  daacish ku xasuuqeen wadanka liibiya. Wuxuuna sheegay in guud ahaanba jahliyada wadanka swedan siwayn uga diiraanyoonayaan  una  canbaaraynayaan  falalkaasi foosha xun ee lagu qaaday muwaadiniinta reer Itoobiya.

Gudoomiyuhu isaga oo sii wada hadalkiisa ayaa waxa uu ka warbixiyey sida ay iskugu xidhanyihiin jahliyada magaalada Linkoping sida ay uga qaybqaataan hawlaha horumarka ee ka hanan qaaday deegaanka, wuxuuna sheegay in shirka siwayn loogu taageerayo dadaalada horumarineed ee ay xukuumada DDSI sanadihii ugu danbaysay ka hirgalisay deegaanka gaar ahaan qorshaha GTP2, dhagax dhigii jaamacada qabrihadar iyo guud ahaanba mashaariicaha horumarineed ee deegaanka iyo waliba taageerada ay jahliyadu ku taageerayso doorashada XDSHSI.

Waxaa kale oo ka hadlay shirkaasi gudoomiyaha ururka dhalinyarada SEDYO ee wadanka Swedan mudane Maxamed Sheekh Xasan (Huways)  oo si qoto dheer uga warbixiyay  dadaalada balaadhan ee ay jahliyada wadanka swedan gaar ahaan jahliyada Linkoping ay wadaan ee ku qotoma hirgalinta hawlaha isku xidhka jahliyada iyo ka qayb qaatashada hawlaha horumarka deegaanka.

Mudane Cabdirisaaq Maxamed oo ah gudiga fulinta ee jahliyada Linkoping ahna aqoon yahay mudo badan ka soo shaqeeyay deegaanka ayaa shirkaasi ka soo jeediyay khudbad dheer oo ku taxa luqda marxaladihii kala duwanaa ee uu deegaanku soo maray iyo heerka uu maanta taagan yahay  isaga oo jahliyada uga warbixiyay horumarka balaadhan iyo xasiloonida sida buuxda uga taamyeeshay deegaanka oo uu sheegay in uu isaga dhawaan soo maray deegaanka. wuxuuna, tilmaamay in ay wax lagu farxo tahay siwayna jahliyada u taageerayso hawlaha horumarineed ee ay xukuumada DDSI ka hirgalisya deegaanka gaar ahaan mashaariicaha horumarineed ee qorshaha GTP2 oo ay ugu horayso dhagax dhigii jaamacada Qabridahar.

Qaarka mid ah odoyaasha jahliyada wadanka swedan oo ka hadlay shirkaasi ayaa waxay ugu horayntii tacsi mug leh u direen ehelkii iyo qaraabidii ay ka geeriyoodeen muwaadiniintii u dhashay dalkeena itoobiya, waxayna sheegeen in ay falkaasi foosha xun ka tiiraanyoonayaan dhamaanba jahliyada wadanka swedan kooxdii gaysatayna si balaadhan u canbaaraynayaan.

Waxayna odayaashu ka warbixiyeen dadaalada  horumarineed ee ay xukuumada DDSI ka wado deegaanka waxayna si durugsan u taageereen doorashooyinka ka dhacaya dalka iyo deegaankaba iyaga oo sheegay in ay si qoto dheer u taageerayaan XDSHSI  kuna booriyay shacabka deegaanku in ay doortaan XDSHSI maadaamo oo bay yidhaahdeen uu siwayn uga midha dhaliyay qorshayaashii horumarineed ee uu dhigtay waxaa kale oo ay odayaashu ka warbixiyeen muhiimada gaarka ah ee xisbigu siiyay haweenka DDSI.

Gabagabadii shirkaasi ayaa waxaa laysla meel dhigay jihooyin wax ku ool ah oo guud ahaanba gashi horumarineed u noqonayay jahliyada u dhalatay deegaanka ee  wadanka Swedan.