Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kormeerkii Waftiga Madaxwaynaha DDSI Ee Degmada Mayomuluqo Iyo Mashaariicda Buundada, Jidka iyo Biyo Galinta Fiiq-Xamaro-Gasaangas.

Mayomuluqo(CN) Sabti.May.02.2015, sida aad wararkayagii hore kala socoteen Shabakada CakaaraNews wafti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu sugnaa gobolka Nogob socdaal xadhiga looga jarayay buundada halbawlaha noqotay ee Waangey islamarkaana madaxwaynuhu dhagax dhigay mashaariico kala duwan oo baahida shacabka si dhab ah uga jawaabaya kuwaas oo ay kamid ahaayeen buundada rasmig ah ee Wangey, Kulliyada Farsamada iyo Xirfadaha ee Fiiq, iyo hawlo kormeer.

Hadaba waftigan madaxwaynaha oo uu wahelinayo wasiiru dawlaha wasaarada beeraha ee DFI mudane Ristu Yirga iyo masuuliyiin badan oo heer deegaan ah ayaa shalayto u anbabaxay dhanka degmada Mayomuluqo ee gobolkaasi Nogob halkaas oo waftigu kusoo kormeereen mashaariicaha balaadhan ee kasocda deegaankaasi sida Buundada iyo jidka Mayo ee iskuxidhaya degmada Mayomuluqo iyo xarunta gobolka Nogob ee Fiiq, mashruuca biyo galinta Fiiq-Xamaro-Gasaangas oo qaarkood dhamaystiranyihiin lagana faaidaysanayo.

Madaxwayanah iyo waftigiisa ayaa soomaray wadada iskuxidhaysa Mayomuluqo iyo Fiiq oo buuraley dhaadheer ah iyo buundada Mayomuluqo oo kormarta buuralaeyda  Togga wayn ee Erer taasoo haatan maraysa gabagabadii. Madaxwayanaha ayaa sheegay in jidka iyo buundada Mayo ay ahmiyad wayn u leedahay deegaanka islamarkaana uu jidku haatan dhamaystiran yahay lana sii balaadhin doono.

Waxa kale oo madaxwaynuhu wakaalada iyo shaqaalaha kuhawlan buundada u sheegay in buundadan lagu dhamaystiro bil gudaheed maadaama uu qalabkii iyo waxwaliba u diyaarsanyahay. Sidoo kale waxaa uu madaxwaynuhu indho indhayn kusameeyay mashruuca biyo galinta Fiiq-Xamaro-Gasaangas oo ay haatan lasugayo oo kaliya electromachanical kii kaasoo uu madaxwaynuhu sheegay in ay warshadu si gaar ah ugu soo samaynayso maadaama ay goobta mugwayn ee mashruucu aad usareeyo dhulku.

Waftiga ayaa duhurnimadii gaadhay xarunta degmada ee Mayomuluqo halkaas oo ay bulshadu madaxwaynaha iyo waftigiisa kusoo dhaweeyeen si dareen iyo shucuuri kudheehantahay iyagoo halkudhagyo soo dhawayn ah kudhawaaqayay watayna calamada deegaanka, qaranka iyo caleemo qoyan.

Madaxawyanaha ayaa degmada Maymuluqo kulayeeshay shacabka kulan balaadhan oo looga arinsanayay hawlaha horumarka, wuxuuna sheegay madaxwaynuhu inuu aad ugu faraxsanyahay lakulanka shacabka degmada Mayomuluqo isagoo sheegay in ay mashaariicaha horumarineed sii soconayaan, wuxuuna uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ay horey ugu gaysteen nabadiidka.

Dhankooda waxay iyaguna shacabka degmada Maymuluqo  ay aad u soo dhaweeyeen madaxwaynaha iyo waftigiisa iyagoo sheegay in ay utahay waa cusub oo u baryay shacabka degmada, waxaa kaloo ay sheegeen xubnihii kahadlayay shirkaasi in ay aad usoo dhawaynayaan mashaariicda buunddada isku xidhaysa degamada Mayo iyo degmada Fiiq iyo guud ahaan dadaalka baaxada leh ee ay xukuumada kawada guud ahaanba deegaanka.

Sidoo kale waxaa ay bulshadau ka makhraati kacday horumarka iyo isbadalka balaadhan ee sanadadii u danbaysay xukuumadani kutalaabsatay waxyna balan qaadeen inay garab taaganyihiin mar walba XDSHSI iyo isbadalka horumar iyo nabadgaliyo ee deegaanka kahana qaaday.

Iskusoo wada duubo socdaalkan Gargaar iyo Damiir Lahaansho ee madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigiisu kusoo mareen gobolka Nogob ayaa xadhiga laga jaray mashaariico hal bawlo u ah horumarka bulshada deegaanka gaar ahaan degmooyinkii kala xidhnaa ee Xamaro-Lagahida-Salaxaad iyo Maymuluqo. Sidoo kale waxaa ladhagax dhigay Buundada Labaad ee rasmiga ah Waangey, Fik Poly Technic College, iyadoo kormer iyo kulamo xog waran ah madaxwaynuhu layeeshay bulshada kudhaqan gobolka iyo wakaaladaha ama xafiisyada wada mashaariicaha gabagabada maraya ee lasoo kormeeray.