Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maqaal: Xog Ogaal Iyo Xaajo Uguba- Siyaasaddii Deegaanka Soomaalida oo hanaqaaday iyo waa cusub oo ubaryay shacabka deegaanka soomaalidda itoobiya.

Jigjiga(CM) Axad.May.03.2015, maqaalkan uu ciwaankiisu yahay "Xog  Ogaal Iyo Xaajo Uguba " oo ku qotoma dulucda ah Siyaasaddii Deegaanka Soomaalida oo hanaqaaday iyo waa cusub oo ubaryay shacabka deegaanka soomaalidda itoobiya. Maqaalkan oo uu barta CakaaraNews kusoo diray muwaadin u dhashay DDSI mudane Axmed Deeq Xuseen oo ah qoraaga maqaalkan ayaa ku bilaabay sida tan:

Hordhac:

Waxaan xog ogaal katihiin in deegaanka soomaalida itoobiya soo qabteen xilka madaxweyne ilaa 11 madaxweyne tan iyo intii la askumay ismaamulka dawlad deeganka 1993 G.c. Allaaha u naxariistee Cabdulaahi maxamed Sacdi ahaa madaaxweynihii deeganka u horeeyay xilkana hayay mudadii udhaxaysay january 1993-jully 15, 1993. xisbiga talada deeganka hayayna ahaa ururkii ladhihi jiray ONLF ee u xuubsiibtay UBBO oo doorashadii ogu horaysay ee deeganka ka dhacda ku guulaystay, taageero badanna ka haystay shacabka oo uheelanaa in ay mar uun arkaan dawlad toodda, yaa shacabka qaar kamida ku taageereen si qaabiil ah, sida baalalaydana  oogu daatay taageerista ururkaas oo ahaa kii haligay shacabka deegaanka una horseeday dhibaatooyin ay ka soo kaban layihiin ilaa maalinkaa manta ah.

Sidaas darted muddo gaaban kadib hogaamin ku sheegtii ururka UBBO an lahayn siyaasad kudhisan aragti dheer, hadaf  iyo hiigsi toona balse ku salaysnaa siyaasad lab-lakac (emotional politics). xilkii ooga tureen madaxweynihii kobaad. Nasiib daradii dhacday badh tamihii 1994 G.c ururkii talada deegaanka hayay in habeen modaw calankii dhuubtaan, hawdkana galaan, xabadna karidaan deegaanka, dawladoodi iyo barlamankoodina kusugan yahay gudaha ayna shaqaynayeen, dagaalkii ogu horeeyayna karidaan magalada wardher oo khasaare ba’an maal iyo nafba gastay.

Shacabka deegaanka oo kujiray marxalad aad u adkayd, kana soo kabanin bur-burkii iyo colaaddihii soomaaliya oo kuyeeshay saamayn balaadhan shacabka deegaanka soomaalidda itoobiya, colaaddo beeloodyo iyo abaaroo ba’anna kuhabsadeen oo lahaa dad iyo duunyaba (xoolaba), loona baahnaa in ay la jaan qaadan isbadalkii siyaasadeed ee kuyimid dalka itoobiya 1991 G.c. ee ay soo hoyiyeen naftood hurayaashii EPRDF. qoomiyadaha iyo shucuubaha reer itoobiyana helleen fursad aayahooda kaga tashadaan, iskuna maamulaan af-kooda hooyo, una madax babaan yihiin maamulkoodda. Yay hogaamin kusheegtii ururkii ONLF(UBBO) kar kaarka waydaarisay una horseedeen colaad horleh iyo xabad saamayn weyna kuyeelatay shacabka deegaanka.

Waxaad xog ogaal katihiin, inkastoo shacabka deegaanku dhibaato badan soo mareen, maamulka deegaankuna soo kacaa kufay, nabadgalyo daradii ay sababeen kooxdii UBBO ay ragaadisay habsami usocodkii hawlihii hormarka, soona  daalaa dhaceen hawl galadii sugidda amniga deegaanka, iyo siyaasaddihii fadhiidka iyo tirciska ahaa, een xambaarsanayn aragti dheer oo siyaasadeed. Hadaba sikastoo umuuri ahaydba, waxaa shacabka deegaanka iyo dadka ku hadla Af-soomaligga meelkasto ay joogaan waxay marag iyo markhaati kayihiin in sidaasadda deegaanka soomalidu hanaqaaday, shacabka deegaankuna u baryay waa cusub oo siyaasadeed kaas oo la filayo in uu uhorseeddo hormar iyo nabad waarta. Mudanna kudayasho.                      

Duluc: 

Sikastaba ha ahaateen halkan waxaad ka dheehan kartaa siday u kala horeeyeen madaxweynayaashi soo maray deegaanka waxtiga u xilka qabtay iyo inta u hayay xilka. 1. Allaaha u naxariistee Cabdulaahi maxamed Sacdi oo ahaa madaaxweynihii deeganka u horeeyay xilkana hayay (January 23, 1993 - July 15, 1993). 2.  allaaha unaxariistee Xassan Jirre Qalinle oo xilkana ahayay (July 1993 - April 1994). 3.  Mudane Ugaz Abdulrahman Muhumed  Qani  oo isna xilka hayay (April 1994 - November 1994), 4. Mudane axmed Makaahil oo ahaa ku-xigeen yaa isna muddo yar ilaa 3 bilood ahayd siihaya xilka m/weynhe, 5. Mudane Ciid daahir xilkana hayay (1995 - October 1997), xisbiga ESDL, 6. Mudane Khadar (mahamed) macalin, xilkana hayay (October 1997 - October 2000), ONLF garabkii nabadda qaatay, 7. Mudane Abdirashid Dulane, xilkana hayay (October 2000 - 2003), xisbiga SPDP, 8.  mudane Abdi Jibri Abokor oo ahaa ku-siisime xilka hayay (2003 - October 2005), xisbiga SPDP, 9).Mudane Cabdulaahi xasan,  xilkana hayay (October 2005 - October 2008), xisbiga SPDP, 10. Mudane Da’ud Maxamed Cali xilkana hayay (October 2008 - July 2010), xisbiga ESPDP, 11. Mudane Cabdi Maxamuud Cumar madaxwaynaha DDSI xilkana qabtay bishi jully 2010, xisbiga ESPDP, wana madaxweynihii oogu muddada dheeraa iyo dawladdii oogu waxqabtaka badnay ee oogu xasiloonayd, xoogabadanay, hormara iyo amniga ka soo hoyisay guullo wax ku ool ah.  

Waxaan Xog ogaal kanahay in amniga iyo daganaansha siyaasadeed uu faraha kabaxay xiliyada qaarkood taasina ay dhaxalsiisay deegaanka xasilooni daro badan dhanka amniga, siyaasasadda, iyo isbadalka hogaaminta oo xad dhaaf ahaa wana takeentay in ilaa 11 madaxweyne so qabtaan xilka madaxweynenimo ilaa jully 1993, lana garan karo xasilooni iyo daganaansho la’aan siyaasadeed, wareerkii iyo darxummo ba’an oo meesha taalay. Waxaa iyana la ogyahay in kacdoomo shacab oo abaabulan, siyaasadaysanna soo dhici jireen sida kii Subaan ka hadhaafo, kii tooraboodha iyo kii inakala garanmaynee guulaysta dhaanna kadambeeyeen siyaasiyiinta ku hardamayay siyaasadda deegaanka.    

Waxaa soo jiri jiray isqab qabsi siyaasadeed oo ku salaysnaa kooxa kooxaysi aan hadaf guud iyo ujeeddooyin xisbinimo toona lahayn, kuna salaysnaa kursi M/weyne doon o kaliya, waxayna curyaamisay hormarka iyo nabadgalyadda deegaanka, sidoo kale argoosi iyo ficiltan badanna waa jiray oo dhexmari jiray kolba madaxweynaha iyo cidda kale loolanka siyaasadeed kadhex taaganyahay, madaxweynayaasha qarkoodna xabsibay soo mareen markii xilka laga qaaddo, sidoo kale cadaawad aan ku koobnayn madaxda xilka iyo awoodda siyaasadeed isku haysa o kaliyee, balse laga yaabo in sababto colaad beeleed iyo calool xummo iyo xiqdi badan dhibna ku ahayd shacabka deegaanka, keenina jirtay kala qob qob-naan.  

Waa xaajjo ugubba ah oon horay looga baranin siyaasadda deegaanka in madaxweynaha taladaha haya u fidiyoo macsuumad iyo martiqaad dhamaan madaxweynayaashii ka horeeyay oo dhan, siwaji furanna isaga waraystaan marxaladdiihii kala duwanaa ee la soo maray iyo siday kala ahaayeen iyo marxaladdan maanta deeganku marayo iyadoon cidna la dhaliilaynin balse lays ku qirayo in cidkastoo soo martay xilkaas madaxweynenimo ay waxqabatay intay kusugnayd xafiiska, sharaf, ixtiraam iyo kaamayna ay mudantahay madaxdii hore, layskana xafiyo khilaafaadkii hore ee loolanka siyaasadeed keenay. Wana midda markhaatiga u ah in siyaasadda deegaanku hanaqaaday, shacabka deegaankuna ubaryay waa cusub oo siyaasadeed.    

Shacabka ku dhaqan deegaanka soomalidda itoobiya oo aad oogu riyaagqay hormaka ay hogaaminta deegaanka iyo siyaasiyiintii horaba ka gaadheen bisalka siyaasadeed sidii mid hore iyo kudambaba looga wada shaqayn lahaa danaha shacabka hormarka iyo nabadagalyadda deegaanka. lixdii (6) madaxweyne ee hore iyo madaxweynaha xaaridka ah ee DDSI oo si kalgaceyl ka muuqato, iyo bislaansho siyaasadeed iyo hoogaaminta maanta jirta oo aad mooddo in si dhamaystiran oga kaqaan qaadheen siyaasadda iyo hogaamintaba oo aad mooddo in ay udhaqmayaan si ka duwan sidaan horay ooga baranay hoogaamintii hore ee deegaanka ka ariminjirtay, waana mida ku cusub deegaanka somaalidda itoobiyaa. mudanna in lagaga daydo wanaagga badan ee ficil ahaan ka muuqqata hogaamiyaha DDSI Mudane Cabdi Maxamud Cumar oo dhigay taarikh cusub (new record).

Waxaa xaajjo ugubba in hogaamiyaha deegaanka uu si cad uqiro in madaxweynahaashi ka hore wax qabteen intay xilka madaxweyne nimo hayeen, dawladda maanta jirtana  ay gundhig u ahaayeen in ay halkan soogaadho maanta, mudan yihiinna madaxdii hore sodhawayn, sharfid iyo ixtiraam badan, waana arin aan horay laga baranin in siyaasiyaanta deegaanka bisayl intaas la eg gaadhaan, wana arin ku cusub siyaasaadaha geeska Africa, dadyowga ku hadla afka soomaalida, wadamada africaanka ah iyo dunida inteedda badan. Taasi waa midda shacabka deegaanka soomaaliddu aad ola dhaceen una soo dhaweeyeen, maxaayeelay waxay usoo joogeen kacdoomadii siyaasadeed ee ayku hardami jireen madaxdii hore markas too isbadal siyaasaddeed yimaaddo, isla markaasna habsami usocod nidaamka dawliga, hawlaha hormarka, iyo nabadgalyada deegaankuba curyaamin laxaad leh ugaysan jirtay gulufka siyaasadeed ee ka dhex ognaan jiray siyaasiyiinta deegaanka, wana xanuun deegaanku maanta ka bogsaday, wana arin laga gudbay waxkastoo dhanqaryayn jiray hormarka iyo nabadgalyadda deegaanka.  

Lakin dhacdadii kadhacday xarunta DDSI ee loogu dhigay martiqaadka iyo casho sharafta madaexweynayaashi hore oo ahaa ilaa 6 m/weyne, waxay ku noqotay shacabka deegaanka arin amakaag ah, kuna cusub taariikhda deegaanka, ahaydna waa cusub oo u baryay shacabka deegaanka, mahad bandanna looguhayo madaxweynha DDSI mudane Cabdi maxamuud Cumar oo noqday madaxweynihii oogu horeeyay ee deeganka soomara isuguna yeedha madaxweynayaashi ka horaysay tusayna waji furan, kolsooni latashina la sameeya, kuna booriya in madaxdii hore ka qayb qaataan hormarka iyo nabadgalyada ka socda deegaanka.

Dhamaan madaxweynayashi hore waxaa wajigooda ka muqday shucuurta dareen kooda oo ay kudheehantay farxad iyo niyo sami, midkastana wuxuu madasha ka jeediyay khudbad dhaxal gal ah oo taarikhi ah, waxayna iska daba mareen in dawladda iyo hogaaminta manta jirta tahay, dawladdii ogu waxqabadka badnayd hormar iyo nabadgal iyo hogaamintii ogu kartida badnayd, qabatayna shaqooyin badan xaataa lagu fikireen, guulaha laga soo hoyiyay amniga, hormarka, abaabulka iyo arimaha bulshadda sida Qurbo joogta iyo ku dhaqanka awoodda tastuurku siinayo dawladda deegaanka intaba ayku amaaneen madaxdii hore.
Gunaanad xaajjo ugubba:

Sikastaba ha ahaatee waxaa meeshaa marna aan kamadhnayn hal abuurka iyo mufakarnimadda madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar in taarikhdu ay xusi doonto marna aan la hilmaami doonin sida hindisihii iyo dhaqan galintii 16 dagmo iyo 4 maamul magaallo, sahankii wadamada dibadda ee lagu soo dumay qurba joogta, soo bandhiggii tacatiyaddii ay nabadiidku ka gaysteen deegaanka iyo latashiggii bulshadda qaybaheedda kala duwan, la darsiddii xaalad nolooleedka bulshada reerguuraga xoola dhaqatada deeganka iyo balan qaad usamaynta baahidda markaas taagay ee shacabka iyo ka jawaab celinteedii oon iyana wakhti qaadanin.

Waxaa kaloo iyana lagu xusuusan doonaa madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi maxamud Cumar: waxaa kamid ah sugidda amniga, maamulka nidaamka ciddanka gaarka ah ee Liyu Booliska sida kala dambaynta, isu hogaansanka ciiddannimo oo ah  kuwa sugay amniga deegaanka, dar dargalinta hawlaha hormarineed on la koobi Karin, xalintii colaaddii sokeeye ee raaso, salaxaad iyo lagahiddo, qotamintii taaladii Sayid Maxamed cabdille Xassan, maamuskii hidar 29, 2006 IT. Qudbaddii taarikhi ahayd ee aaskii raysal wasaari hore males Zanawi, soo bandhigiddii taariikhdii deegaanka 1954 KALI, qisaddii hindisa iyo fulintii bunda waangay, canno cadhankii shirkii manestota, dhagax dhiggii, jamacaddii Q/dahar, waxaa waheliya kuliyadda farsamada ee fiiq laga dhagax dhigay, buundada casriga ah ee iyana geel doox laga dhagax dhigay socdaalkii u dambeeyay ee waftida balaadhan ee madaxweynuhu hoogaaminayay lagu booqday Gobalka NOGOB todobaadkan, lagu gaadhay dagmooyinka lagahida iyo Salaxaad oo abid madaxweyne horay usan utagin manta ka horooy.

Waxaa intaas dheer waa madaxweynihii kobaad ee dhamaysta 5 tii sanno, wana arin taarikhda deeganka iyana gashay, iyo oogu dambayna bilicda maanta ka muuqata magaaladda jig-jiga waxay ku timid furfurnaan siyaasadeed iyo soo dhawayn hantilayaasha deeganka oo aylatimid DDSI iyo hogaaminta manta jirta in ay maal gashadaan hantiilayaashu qurbo joogtuna kamid tahay deegankoodda. Dhanka kale M/weynuhu waxa uu qabtay waa qabtay XDSHSI Iyo Dawladda DDSI. 

Madaxweynaha DDSi Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, waa maxadweynihii oogu da’da yara, ee ogu waxqabka badnaa, howlkarsanaa, hindiso badnaa, ogu hawl karsanaa, ogu calool nuglaa shacabka taagta yar iyo dadka nugul, ogu fiicna kawar haynta iyo dhex galka bulshada sidaas daraadeed waxaan kula dar daarmaya shacabka deegaanka in ay garab istaagtaan kuna taageertaan dawladda, xisbiga taladahaya iyo hogaaminta hormarka iyo nabad galyada deegaanka kawadaan waanna waa cusub oo ubaryay shacabka DDSI meel kastoo uu jooggo. taariikhda yaana isagoo nool xustay madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar.

Ugu dambayn waxaa iimuuqata in XDSHSI lagu sameeyay kurtuma tir iyo turxaan bixin badan shir weynihii 8aad ee Fiiq, shacabka deegaanka iyo dawladda DDSI & fedaralkuba ka midaysan yihiin kaynaanka loogu jiro midnimada, xasiloonidda, daganaanshaha, hormarka iyo nabadgalyada deegaanka guud ahaanba. Ciddii kaleexata tubta lahayana ay baadii utahay waraabaha oo raqdoodana haadkuna kudhici, sidaas daraadeed waxay ilatahay in shacabka deegaanku doortoo una codeeyaan musharixiinta XDSHSI oo ay ku jirto maslaxada iyo jiritaanka shacaabka iyo deegaankaba.    

By Ahmed Deeq Hussein, independent analyst. Fadlan ciddii kaqabta wax su;aal ah ama faahfaahin qoralkan waxaad ka soo xidhiidhi kartaa ciwaanka emailka: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , or This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.