Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maxwayne Ku xigeenka DDSI ahna Wasiirka Waxbarashada DDSI Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Waftigii Ka Socday Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Jabuuti.

Jigjiga(CN) Axad.May.03.2015, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan ayaa maanta waxa uu qado sharafeed u sameeyay wafti ka socday jaaliyada deegaanka ee wadanka Jabuuti oo dhawaan soo gaadhay xarunta deegaanka ee Jigjiga. Waxaana madaxwayne ku xigeenka ku hewelinayay dhanka xukuumada oo kala soo qayb galay hadhimo sharafeeda  wasiirka qurba joogta DDSI mudane Cabdibari Maxamed Macalin.

Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo xafladaasi hadhimo sharafeedka  ah kula hadlayay jaaliyadan ayaa waxa uu si qoto dheer uga waramay xidhiidhka saxarka tiran ee ka  dhexeeya wadamada jabuuti iyo itoobiya iyo doorka ay ka qaateen jahliyada wadanka jabuuti ee u dhalatay deegaanku. wuxuuna ugu mahad naqay madaxwayne ku xigeenka jahliyada jabuuti dadaalada ku dayashada mudan ee ay muujiyeen sanadihii ugu danbeeyay.

Madaxwayne ku xigeenka oo sii wada hadalkiisa ayaa waxa uu si mug leh uga warbixiyay fursadaha balaadhan ee  ka jira deegaanka oo dhinac kasta leh, kuna haboon maalgashiga maalqabeenada u dhashay deegaanka iyo kuwa heer caalami, isaga oo ku booriyay madaxwayne ku xigeenku  in ay ka faa’iidaystaan qurba joogta deegaanka fursadahaasi maalgashi, xukuumada DDSI ay si diiran u soo dhawaynayso cidkasta oo maalgashi ku samaynaysa deegaanka.

Wasiirka qurba joogta DDSI mudane Cabdibari Maxamed Macalin oo ka hadlay xafladasi hadhimo sharafeedka  ah ayaa sheegay in guud ahaana qurba joogta deegaanku meel kasta oo ay joogaanba dadaal dhaxal gal ah muujiyeen sanadihii ugu danbeeyay ka dib markii ay xukuumada DDSI dhamaan qaaradaha aduunka socdaalo dhaadheer ku soo martay, socdaaladaahi oo u noqday gashi horumarineed wuxuuna, ku amaanay  jahliyada wadanka jabuuti dadaalka wanaagsan ee ay muujiyeen iyo sida ay iskugu xidhan yihiin loogana baahan yahay in ay sii xoojiyaan dadaalooda.

Gudoomiyaha jahliyada DDSI ee wadanka Jabuuti mudane Axmedwali Cabdiraxmaan Xuseen oo ka hadlay madashaasi ayaa si durugsan ugu mahad celiyay dhamaan xukuumada DDSI iyo shacabkeeda sida meeqaanka sare ah ee loogu soo dhaweeyay deegaanka.

Wuxuuna ka warbixiyay gudoomiyuhu ujeedada socdaalkooda iyo qaabdhismeedka jahliyada sida ay is kugu xidhan yihiin wuxuuna sheegay in ay waftigan jahliyada jabuuti ay iskugu jiraan ganacsato u socda in ay deegaankooda maalgashadaan  aqoon yahano iyo  abwaano.

Xubo kale oo ka mid ah jahliyadaa oo ka hadlay madashaasi ayaa si balaadhan ugu mahad celiyay guud ahaanba xukuumada sida diiran ee loogu soo dhaweeyay deegaana  iyo madhimo sharafeedka uu u  sameeyay  madaxwayne ku xigeenku waxayna dhamaantood ugu mahad celiyeen xukuumada DDSI dadaalada horumarineed xasilooni ee ay xukuumada sida balaadhan uga hirgalisay deegaanka iyo waliba xidhiidhka wanaagsan ee ay xukuumada la samaysay qurba joogta DDSI. Waxayna qurba joogtani hoosta ka xariiqeen in ay dhankooda ka qayb qaadanayaan hirgalinta horumarka xawliga ku socda.