Dhamaan Maamulka Jaaliyada North America Iyo Ururda Dhalinyarada DDSI Ayaa Si Balaadhan U Soo Dhaweeyay Socadaalkii Madaxwaynaha DDSI Ee Gobolka Nogob Iyo Mashaariicda Halbawlaha Ah Ee Ay Xukuumadu Sida Xawliga U Wado.

Minnesota(CN) Isniin.May.04.2015, maamulka jaaliyada DDSI ee Waqooyi Ameerika iyo ururada Dhalinyarada DDSI ayaa waxay si balaadhan u soo dhaweeyeen Socdaalkii Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ee gobolkaasi Nogoba kaasoo madaxwaynuhu xadhiga kajaray buundada aadka loogu baahnaa ee Waangay iskuna xidhay deegaanka iyo degmooyinkii xidhnaa ee Lagahida iyo Salaxaad.

Waxaa ay maaulka jaaliyada iyo ururada dhalinyarada DDSI aad u soo dhaweeyeen dhagax dhiga Fik Poly Technic College oo noqonaysa guul isbadal wayn kaqaban doonta shaqo abuurka iyo koboca dhaqaalaha ee deegaankaba.

Waxaa kale oo ay jaaliyada iyo ururadu si wadainayad leh u soo dhaweeyeen mashaariicda kale ee haatan kasocda gobolka Nogob sida Buunadad Mayo, Biyo galinta Fiiq-Xamaro-Gasaangas kuwaas oo ah kuwo si dhab ah uga jawaabiya baahida shacabka.

Ururda bulshada sida DYSE, SEDYO,  KB brothers,  ESYO ee Waqooyi Ameerika ayaa bogaadiyay wax qabadka xumumada DDSI ee uu hogaaminayo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar waxayna balan qaadeen in aay garab taaganyihiin hormarka ka jira deegaanka ee uu hormuudka u yahay Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ee XDSHSI.