Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Hello Dhuxun Hello Garbo

Nogob(CN) Isniin.May.04.2015 wararka naga soo gaadhaya iyo mobilada kasoo dhacaya Degmooyinka Dhuxun iyo Garbo ee gobolkaasi Nogob ayaa xaqiijinaya in maanta loo sii daayay isticmaalka taleefonka gacanta ee mobile-ka. Waxayna tani kamid tahay dadaalka xoogan ee ay xukuumadu ugu jirto dhamaystirka adeega yada horumarineed.

Dhanka kale Shabakada CakaaraNews ayaa wax kawaydiisay wasiir kuxigeenka xafiiska Horumarinta magaalooyinka, Dhismaha iyo  Warshadaha mudane Axmed Shugri oo sheegay in xukuumadu ay kuhawlantahay in wakhti gaaban degmooyinkii khadku kadhimanaa lagu dhamaystirayo. Waxaa kaloo wasiirku sheegay in degmooyinka Dhagaxmadow, Sagag, Garbo, iyo Dhuxun loo sii daayay khadka 3.75 G.

Shabkada CakaaraNews ayaa leh Hanbal Hanbalyo shacabka kudhaqan degmooyinkaas ee nagala soo xidhiidhay maanta khadka iyo guud ahaanba adeega ay heleen shacabku.