Ardayda DDSI ee Jaamacada Civil Service Ayaa Aad U Soo Dhaweeyay Socdaalkii Madaxwaynaha DDSI Ee Xadhiga Looga Jaray Buundadii Waangey Laguna Dhagax Dhigay Mashaariicda Horumarineed.

Addis Ababa (CN) Taaldo.May.05.2015, Ardayda DDSI ee Jaamacada Civil Service University ee magaalada Addis Ababa ayaa maanta si balaadhan u soo dhaweeyay uguna dabaal dagay kulan ay kutaageerayaan socdaalkii Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu ku maray Gobolka Nogob ee xadhiga lagaga jaray Buundadada Waangay ee isku xidhaysa gobolka Nogob iyo Gobolka AFdheer iyadoo degmooyinka Gobolka Nogbeedna ay markii Ugu horaysay sitoos ah isugu wada xidhmeen, islamarkaana lagu dhagax dhigay Kulliyada Farsamada ee Fiiq, buundada rasmiga ee Waangey.

Socdaalkan ayaa waxay aqoonyahanku ugu magac dareen Rajadii Qarniga maadaama ay ahayd Buumdadani mid aynan xataa dadka deegaanku ku riyoonin sanado ka hor laakiin hal abuurka, hindisaha iyo hawlkarnimada hogaankeenu ay ka dhigtay suurto gal muddo lagu tilmaami karo wakhtigii ugu koobnaa oo Project intaa laeg lagu soo gabagabeeyo.

Sida la wada ogsoonyahay Buundadan Rajada qarnigu waxay ahayd dhamaystirkii wadooyin ay xukuumada DDSI kawado deegaanka sanadadii  u danbeeyay  gaar ahaan  gobolka Nogob  isugu furaysay oo horey shacabku ugu dhibaatoon jireen iyadoo degmooyinka Nogob qofka u socdaa uu ka soo wareegi jiray Deegaanka jaarka ah maantana taasi ay tahay  taariikh la soo dhaafay, masaafo aad u kooban ayaana Nogob oo dhan la isaga gooshayaa maadaama oo horay loo dhamaystiray wadooyinka isku xidhaya caasimada Gobolka Nogbeed ee Fiiq iyo degmooyinka degmooyinkii kala xidhnaa.

Waxaa kaloo xusid mudan in shalay Degmooyinka Garbo iyo Dhuxun oo isla Gobolka Nogbeed Ka tirsan ay telefoonka gacanta adeegiisa helaan,  iyadoo shacabka Gobolku ay abaal aan la soo koobi Karin, farxad iyo Raynrayn ku soo dhaweeyeen horumarka ka hanaqaaday deegaanka Guud ahaan iyo kan Gobolka Nogbeed Gaar ahaan.

Hadaba iyagoo taas ka duulaya ayay aqoonyahanku waxay munaasabad ballaadhan oo loogu dabaaldagayo guusha iyo Socdaalkii madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ee gobolka Nogob  isugu soo urureen xarunta Shirarka ee Jaamacada Civil Service University iyagoo isu hambalyaynaya waa Guushii Qarniga isla markaana bandhigyo kasoo jeediyay halkaas. Waxaana kasoo qayb galay ugu horayntiina shirka u furay iskuduwaha XDSHSI ee xarunta Addis Ababa mudane Ilyaas Maxamed.

Maamulka gudiga ee ardayda jaamacadaasi oo khadka taleefonka kulasoo xidhiidhay shabakada CakaaraNews ayaa kulankaas ay kutaageerayeen horumarka xawliga ah ee xukuumada DDSI ee uu hogaanka u hayo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ku sheegeen in guud ahaanba ay si wadaniyad ah u soo dhawaynayaan mashaariicaha iyo qorshayaasha horumar ee shacabka deegaanka baahidooda dhabta ah kajawaabaya.

Gudoomiyaha gudiga ardayda Soomaalida Itoobiya ee Jaamacadaasi Civil Service ka mudane Gorad Xuseen Maxamed ayaa yidhi " Anigoo ku hadlaya afka ardayda ayaa waxaan xaqiijinaynaa islamarkaana aanu garabtaaganahay isbadalka horumar, nabadgaliyo iyo maamul suuban ee deegaankeena ka hanaqaaday sanadadii ugu danbeeyay, Waxaan si gaar ah u soo dhawaynaynaa guulihii ugu danbeeyay ee xukuumada DDSI ee uu hormuudka u yahay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar sida karaarka leh u hirgalisay, waxaana si gaar ah ugu hanbalyaynayaa shacabka DDSI qorshayaasha iyo mashaariicaha waawayn ee wareega labaad ee isbadalka iyo koboca dhaqaalaha..."

Sidoo kale madaxa arimaha xisbiga ee gudiga ardayada mudane Farxaan Takhal Cabdulaahi ayaa sheegay in ardaydani ay yihiin xubno xisbi iskamarkaana ay kaalintooda markasta u taaganyihiin taageerada iyo kaqayb qaadashada hawlaha horumarka, nabadgaliyada iyo maamulka suubaan ee DDSI. Wuxuuna uga mahadceliyay hogaaminta ugu horeeyo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo shirkada dhismaha iyo iibka ee ciidanka gaarka ah ee sida geesinimda leh ugasoo baxday Waangey.

                                                                                                                                                                Iskusoo wada duuboo waxay dhamaan ardaydu balan qaadeen in ay sii laba jibaari doonaan kaqayb qaadashada iyo taageeradooda hawlaha horumarka iyo nabdagaliyada ee DDSI. Waxayna aqoonyahankani maanta muujiyeen shucuurtooda wadaniyad ee ku aadan hawlaha horumarka iyagoo kumuujinayay muuqaalo tilmaamahoodu ay kamid ahayd sida sawirka kamuuqata oo ah xarafka "W" oo u taagan Waagey.