Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shirwaynihii 3aad Ee Dhalinyarada Fadareeshinka Gobolka Faafan Oo Kadhacay Degmada Awbare Ee Gobolka Faafan.

Awbare(CN) Khamiis.May.07.2015, shirwaynaha 3aad ee dhalinyarada fadareeshinka gobolka faafan ayaa si meeqaam sare ah ugu qabsoomay hoolka shirarka ee magaalada Awbare, iyada oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan dhaliyarada fadareeshinka degmooyinka gobolka faafan.

Shirkaa ayaa waxaa lagu gornaynayay sidii ay dhalinyaradu u sii karaar galin lahaayeen hawlaha horumarka, nabadgalyada, maamulka suuban iyo ka qaybqaadashada hawlaha doorashooyinka.

Waxaana furitaankii shirkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada Awbare mudane Maxamed Cabdi faarax oo si mug leh uga warbixiyay doorka kaga aadan dhalinyarada sii xoojinta dhinacyada horumarka, nabadgalyada iyo u diyaar garowga doorashooyinka wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in ay dhalinyaradu tahay lafdhabarka lagu hirgalinaysa  qorshayaasha horumarineed oo dhinac kasta leh,

Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu ka warbixiyay in ay xukuumada DDSI sanadihii ugu danbaysay kor u qaaday hirgalinta xidh mooyinka horumarineed ee dhalinyarada iyo haweenka loona baahan yahay in la sii xoojiyo li loo tir tiro saboolnimada iyo jahliga.

Sidoo kale waxaa furitaankii shirkaasi ka hadlay gudoomiyaha dhalinyarada fadareeshinka gobolka faafan ahna madaxa arimaha siyaasada ee degmada jigjiga mudane Cabdishakuur Cismaan (dhagawayne) oo ka warbixiyay sidii ay dhalinyaradu u sii xoojin ka qayb qaadashada horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban. Ugana faa’iidaysan lahayd xidhmooyinka horumarineed ee dhalinyarada.

Wuxuuna, gudoomiyuhu  dhalinyaradu soo bandhigay  warbixinta wax qabadka fadareeshinka dhalinyarada ee gobolka faafan, warbixintaasi oo ku qotontay guulaha hore u socod ee ay dhalinyaradu muujiyeen sanadihii ugu danbeeyay.

Shirkaasi oo intii uu socday kooxaha fanka ee dhalinyaradu ku soo bandhigayeen barnaamijyo wacyigalin hoose iyo dhaantooyin ka turjimaya doorka ay dhalinyaradu ku leeyihiin hirgalinta, horumarka iyo xasiloonida DDSI ayaa waxaa gunaanadkii laysla ay dhalinyaradu isla qaadatay hirgalinta qotobo door  ah oo ay ka mid yihiin;-

1. Waxaan diyaar u nahay in aan ka qayb qaadano siina xoojino ol olaha lagu cidhib tiraya saboolnimada iyo jahliyiga.
2. Waxaan, kobcinaynaa dhisaynaa garaadka aqooneed ee dhalinyarada si aan u abuuro fursado shaqo.
3. Waxaan ka soo horjeednaan dhamaan falalka argagixisada.
4. Waxaan xoojinaynaa midaynta dhalinyarada leh aragti xisbi.
5. Waxaan u huraynaa dheegeena maalkeena iyo wakhtigeena sidii aan u sii xoojin lahayn gaadhiga horumar buuxa oo aan soo noqod lahayn.

Ugu danbayntii waxay dhalinyarada fadareeshinka gobolka faafan ku sameeyeen dhirbeeris goobo ka mid ah magaalada awbare iyaga oo raacaya jihooyinkii uu dhigay raysil wasaarihii hore ee aragtida dheeraa ee Males Sinaawi ee qotontay cagaarinta dhulka, iyaga uu geedkii ugu horeeyay ugu qotomiyay gudoomiyaha degmada awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax.