Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Shir Qiimayn Ah U Qaybtay Kooxaha Caafimaadka Wareega Mobile Heath Team.

Jigjiga(CN) Isniin.May.11.2015, xafiiska caafimaadka DDSI oo ka duulaya daboolida iyo gufaynta baahida  adeegyada caafimaadka ee bulshada DDSI, ayaa waxa uu dadaal mug leh  ugu jiraa sidii uu u hirgalin lahaa istaraatajiyadaha qorshayaasha adeega caafimaadka oo dayaysan gaadhana bulshada deegaanku meel kasta oo ay joogto.

Haddaba xafiisku isaga oo ka duulaya dar dargalinta iyo karaargalinta hirgalinta adeegyada caafimaadka ayaa waxa uu 3 biloodma mar diirada saaraa heerka iyo cabarika uu gaadhsiisan yahay adeegyada ay bixiyaan kooxaha caafimaadka wareega ee (mobile heath team)  kuwaasi oo adeega caafimadka ka fuliya meelaha  fog adeeg caafimaad. lana shaqeeya bulshada reer guuraaga ah.

Waxaana, maanta ka furmay hoolka shirarka ee Meles Referral Hospital shirkii qiimaynta waxqabadka kooxaha caafimmaadka wareega ee mobile heath team, waxaana ka soo qayb galay  hawl wadeenada  kooxahan ee ka shaqeeya degmooyinka uu ka hawlgalo, agaasinada waaxo ka mid ah xafiiska caafimaadka DDSI.iyo masuuliyiinka socday hayadaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay shirkaasi qiimaynta ah wasiir ku xigeenka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid oo ka warbixiyay amiyada uu u leeyahay bulshada DDSI barnaamijkan mobile teamku iyo istaraatajiyadaha uu xafiiska caafimaadku u daboolayo adeega caafimaadka, waxaa kale oo uu wasiir ku xigeenku si qoto dheer uga warbixiyay muddada uu socda shirkani in diirada lagu saari doono wax qabadkii mobile teamka wax yaabihii ka qabsoomay qorshyaashii la kala qaatay nidaamkii iyo habkii loo hirgaliyay. Isaga oo wasiir ku xigeenku sii wada hadalkiisa ayaa waxa uu ku booriyay hawl wadeenada mobile teamku in ay si cad cadaan leh u soo bandhigaan waxqabadkooda.

Gadhwadeenka geedi socodka gurmadka deg dega ah ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Qaasim Mahdi oo ka hadlay furitaankii shirkaasi ayaa si durugsan uga warbixiyay heerka uu gaadhsiisan yahay ka jawaabida adeegyada caafimaadka ah ee deg dega ah, iyo in ay kooxahan adeega caafimaadka wareega ay u aas aasan yihiin gaadhsiinta bulshada deegaanka adeeg caafimaad oo tayaysan kuwaasi oo ay u dhamays tiran yihiin dhamaan qalabkii adeegyada caafimaadka.