Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shirkii Isbarashada SEDYO iyo Safaaradaha Wadamada Scandinavianka Oo Kadhacay Magaalada Västerås Sweden ee Dalka Sweden.

Västerås-Sweden(CN) taariikhdu markay ahayd 09-05-2015 oo ku aadan maalintii Sabtida, Shir weynaha SEDYO Scandinavian oo si heer sare ah ay dhalinyarada SEDYO Sweden usoo agaasimen ayaa ka dhacay magalada Västerås Sweden.

Waxaa kasoo qayb galay dhamaan jaaliyadaha DDSI ee ka jira dalkan Sweden iyo SEDYO Finland, SEDYO Danmark, SEDYO Norway iyo marti sharaf kaloo badan oo ay kamid ahaayeen hoboladii iyo fanaaniintii caanka ahayd ee DDSI ee wakhtigan kusugan dalalkaasi Scandinivianka. Waxaana shirkan khadka taleefonka kaga soo qayb galay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuuna Kasoo jeediyay khudbad aad muhiim u ah oo taabanaysay meelo badan kuna baraarujiyay isku duubni, horumar iyo in laga feejignaado nabadidka iyo kuwa kasoo horjeeda hurmarka, in ururka SEDYO yahay urur deegaanka aad looga qadariyo.

Sidokale waxa shirkan kasoo qayb galay ambassadörka Sweden ee dalkeena Itoobiya iyo wadamada NORD countries Mrs Wonishett Tadessa iyo qunsulka Ethiopia u fadhiya dalkan Sweden Mr Hussien Ahmed, halkaas oo ay kasoo jeediyeen khudbado ay dåd weyni kasoo qayb galay ay aad ula dhaceen oo diirada saaraya horumarka iyo xidhiidhka dadwaynaha. Waxaa kaloo kahadlay masuuliyiinta SEDYO iyo qaar kamida xubnihii kasoo qayb galay.

 

Shirkan oo ahaa shirwaynihii koobaad ee Ururka SEDYO ayaa waxaa si wayn isugu bartay ururka dhalinyarada SEDYO iyo safaaradaha dalkeena ee wadamadaasi Scandinivianka. Ururka dhalinyarada SEDYO ayaa ah urur aad uga qayb qaata hawlaha horumarka, nabadgaliyada iyo xidhiidhka dadwaynaha.