Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gudiga Hay’ada Micro Finance ee DDSI Ayaa Maanta Ansaxiyay Xarumo Cusub Oo Laga Hirgalinayo Magaalooyin Kamid Ah Degmooyinka Deegaanka Iyo Dalkaba.

Jigjiga(CN) Khamiis.May.14.2015, waxaa hubaal ah in aas aas kii iyo hirgalintii hay’ada lacagaha yar yar (micro finance) ay guud ahaanba deegaanka u noqoday gashi horumarineed, siina karaar galisay hirgalinta qorshayaashii horumarineed ee ay xukuumada dajisatay. Waxayne, si mug leh uga qayb qaadatay  la dagaalanka saboolnimada, abuuritaanka illaha shaqada, iyada oo ay si  ugu najaxeen bulshada dan yarta ah oo ay u abuurtay shaqooyin taaba galay.

Haddaba gudiga boargiga hay’adan ayaa waxay maanta kulan ku yeeshay xafiiska adeega shacabka DDSI. gudigan ayaa waxaa hogaaminayay gudoomiyaha gudiga ahna wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta awooda maamulka DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud.

Waxayna, sharax dheer ka bixisay doorka ay hay’adani ka qaadatay  hirgalinta qorshayaasha horumarined, gaar ahaan abuuritaanka iyo kobcinta ganacsiga yar yar, la dagaalanka iyo qajalinta saboolnimada, iyada oo tibaaxday,  qorshayaal lagu sii karaar galinayo shaqooyinka hayadan waxayna, marwo maajida ka warbixisay

Ajadayaasha hor yaala kulankaasi ay maanta yeesheen udigu taasi oo ay ka mid yihiin;-  ka wada hadalka iyo ansaxinta laamo cusub, dhagaysiga warbixinta waxqabadka rubucii ugu danbeeyay, ka wada hadalka hanti dhawrka dibada ee hay’ada. Iyo qorshayaal kale oo ka qayb qaadanaya hirgalinta waxqabadka horumarineed ee hayada.

Waxayna, wasiiradu soo bandhigtay goobaha laga furayo laamaha cusub ee hayada si loo sii xoojiya wax qabadka hayada, taasi oo ay sheegay marwo maajida in laga hirgalinay xarumahan cusub 7 magaalo oo ay ma mid tahay, magaalada  Adiis ababa, diridhaba iyo xarumo ka mid ah degmooyinka deegaanka sida magaalada Awbare, fiiltu, Mooyaale, Hargeele, iyo Qabribayax.

Maareeyaha hay’ada lacagaha yar yar DDSI  micro finance mudane Maxamed Cabdiraxmaan ayaa kulankaasi ka soo jeediyay warbixinta waxqabadka rubucyadii ugu danbeeyay, warbixintasi oo ahayd mid dheer  nuxur balaadhan  oo ku qotontay   waxqabadka hayadan oo ku sar go’an ka jawaabida baahiyada bulshada abuuritaanka ilaha shaqada amaahaya daynta dadka dan yarta ah kobcinta ganacsiga yar yar bulshada deegaanka.

Ka dib markii uu gudigu dhagaystay anjandayaashan su’aalana layska waydiiyay ayaa cod buuxa lagu ansaxiyay anjandayaashaasi waxaana, laysa meel dhigay sii xoojinta iyo karaargalinta waxqabadka hayadan.