Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Daawo Barnaamijkii Looga Dooday Talisyadii Hore Ee Dalalka Itoobiya Iyo Somaliya, Isbadaladii Kadhashay Intii Kadanbaysay Xukunadii Hore Iyo Waxqabadka DDSI.

Jigjiga(CN) Khamiis.May.14.2015, barnaamijkan gaarka ah ayaa oo looga dooday talisyadii hore ee dalka Itoobiya iyo Somaliya, Isbadaladii Kadhashay Intii Kadanbaysay Xukunadii Hore Iyo Waxqabadka DDSI.

Barnaamijkan oo xalay si heer caalami ah uga baxay telefeshinka Universal ayaa waxaa kaqayb galay madax sare oo uu kamidyahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiiro heer federaal ah, masuuliyiinta jaaliyadaha iyo ururada qurbaha, aqoonyahan iyo xuno kale oo magac iyo sumcad wayn ba leh.

Dooda ayaa xanbaarsanayd qodobo iyo arimo badan oo wax laga baran karo gaar ahaan geeska Afrika iyo sooyaalkii ama isbadalada haatan lamarayo iyadoo ay martidii barnaamijku dhinacyo badan ka eegeen. Hadaba halkan ka daawao barnaamijkii oo dhamaystiran. Riix halkan.