Madaxwaynaha DDSI Oo Ay Masuuliyiin Sare Wahelinayaan Ayaa Maanta U Kicitimay Xarunta Dalka Ee Caasimada Addis Ababa.

Jigjiga(CN) Jimce.May.15.2015, Waxaa goor dhawayd gagida diyaaradaha ee Garaad Wiil Waal Airport kaduulay madax sare oo ah XDSHSI oo uu kamid yahay Madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Afhayeenka baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq, madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiintan sare ee xisbiga ayaa maanta u kicitimay dhanka xarunta dalka ee Addis Ababa, waxayna ujeedada Addis Ababa tahay shirka EPRDF iyo ururada bahwadaagta ah oo ay masuuliyiinta xisbiyada EPRDF iyo bahwadaagtu ku kulmayaan.

Shirkan oo kusaabsan diyaar garowga codbixinta doorashada 5aad ee dalka kadhacaysa maal mahan fooda inagu soo haysa iyo qorshayaasha shantan sano ee soo socota ayaa maalinta bari ah kabilaabanaya xarunta dalka ee Addis Ababa, waxaana dhanka ururada bahwadaagta ee shanta deegaan ee Soomaalida, Canfarta, Ganbeelaha, Hararida iyo Benshangulka kasoo qayb galaya guud ahaan ergooyin dhan 1000 (kun) iyadoo ay deegaanka Soomaalida ergooyinkoodu dhanyihiin 550( Shan boqol iyo kontan ergooyin).