Shirwaynihii Xisbiyada Iyo Ururada Bahwadaagta EPRDF Oo Maanta Kadhacay Magaalada Addis Ababa.

Addis Ababa(CN) Sabti.May.16.2015, Sida aad horey ugala socoteen shabakada CakaaraNews waxaa shalayto xarunta Addis Ababa soo gaadhay madax sare oo ah xisbiyada bahwadaagta EPRDF oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI iyo madax kale oo u yimid shirkan maanta kabilaabmay Addis Ababa.

Shirkan oo ahaa diyaar garowga cod bixinta doorashada 5aad ee dalka iyo deegaanada laguna taageerayo xisbiyada talada haya ee dalka ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda 5 deegaan ee bahwadaagta iyo ururada EPRDF oo ay ugu horeeyaan madaxwaynaha DDSI ahna gudoomiye kuxigeenka XDSHSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka arimaha federaalka ee DFI ahna gudiga fulinta EPRDF mudane Dr Shiferew T/mariam, madaxa EPRDF ee ururada bahwadaagta mudane Amanuel Abraha, afhayeenka baarlamanka DDSI ahna gudoomiyaha xisbiga mudane Maxamed Rashiid Isaaq, wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada ee DFI mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi, wasiirka wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska ee DFI mudane Amiin Cabdiqaadir, madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, madaxwaynaha deegaanka Hararida mudane Muraad Cabdihadi, gudoomiyaasha iyo madaxwayne kuxigeenada deegaanada kale ee bahwadaagta, ergooyinka iyo taageerayaasha xisbiyada bahwadaagta EPRDF ee kusugan magaalada Addis Ababa.

Madaxda iyo masuuliyiinta xisbiyada haya talada dalka iyo deegaanada bahwadaagta (ESPDP,HRN, ANDP, GDP, BGDP) ayaa khudbado taabanayay dhinacyo badan kasoo jeediyay shirka kuwaas oo ku qotamay xaqiiqada maanta iyo isabadalada lagu jiro. Waxaana halkaasi si balaadhan looga soo jeediyay taageerada dhabta ah ee ay ururadani ku taageerayaan EPRDF iyo guud ahaanba xisbiyada talada haya.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shirka kasoo jeediyay khud bad dhaxal gal ah, wuxuuna ugu horayntii madaxwaynuhu uga hanbalyeeyay taageerayaasha balaadhan ee bahwadaagta EPRDF doorashada 5aad ee dalka iyo deegaanada, isagoo kahadlay halgankii dheeraa ee EPRDF iyo bahwadaagta ee lagu xaqiijiyay xuquuqaha aas aasiga ah ee qoomiyadaha Itoobiya. Madaxwaynaha oo kahadlaya isbadalka guud ee wadanka ka hirgalay iyo qorshayaasha GTP ayaa sheegay in deegaanka Soomaalida Itoobiya uu wajigiisu u jeedsaday horumarka lagu talaabsaday. Madaxwaynuhu waxaa uu faray dhamaan shicibka kusugan deegaanka, magaalooyinka Diridhaba iyo Addis Ababa inay codkooda ku doortaan xisbiga hirgaliyay isbadalka ee katalinaya aayahooda.

Wasiirka arimaha federaalka DFI ahna gudiga fulinta EPRDF mudane Dr Sheferw T/mariam ayaa khudbadiisii kusheegay in doorashadu tahay go'aanka ay shacabku ku xaqiijinayaan rabitaankooda nabadgaliyo waarta iyo horumar, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay inaan codkeena ku guulaysano EPRDF iyo bahwadaagta. Waxaa uu masuulkan sare ee gudiga fulinta EPRDF sheegay in ay jiraan xoogag dibada iyo gudahaba isku dayaya inay si sharci daro ah dhib uga gaystaan doorashada, waxaana loo baahanyahay in aan si wada jir ah uga hawl galo kahortaga dhibaato kasta oo lagu wado doorashada dalka ee fooda inagu soo haysa.

Shirka oo ay madaxda sare ee xisbiyada bahwadaagta khudbado wax ku'ool ah kasoo jeediyeen ayaa laga hadlay arimaha dhibaatooyinkii sooyaalka iyo isbadalada ay maanta kunaaloonayaan qoomiyadaha reer Itoobiya taasoo laga hirgaliyay dalka horumar xawli ah, xuquuqihii aas aasiga iyo dimuqraadigaba ahaa iyo dhamaan  rabitaankii qoomiyadaha. Sidoo kale waxaa laga hadlay fikirada xagjirka ee ku gabanaya diinta nabada ah ee islaamka kuwaas oo kusifoobay argagixisada iyo falalka waxshinimo ee binu aadamka cadawga ku ah.

Kulan waynahan ururada bahwadaagta EPRDF ayaa hal-ku dhag looga dhigay "Bahwadaagnimadeenu waa mid xaqiijinaysa waaritaanka dib u curashadeena"  Sidoo kale waxaa taageerayaashii xisbiyada talada haya ay maanta galinkii danbe kusoo wareegeen magaalada Addis Ababa iyagoo booqday wadooyinka gaadiidka tareenka ee Addis Ababa.