Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Dawladu Waxay Ku Hawlantahay Qorshe Habaysan Oo Kahortagaya Socdaalada Sharci Darada Ah Iyo Tahriibta.

Addis Ababa(CN) wasiirka arimaha federaalka ee DFI ayaa cadeeyay in dawlada Federaalku ay ku hawlantahay qorshe habaysan oo ka bilaabanaya badalista argatida  muwaadiniinta ee ku aadan socdaalada sharci darada ah iyo tahriibta.

Sida uu sheegay wasiirka arimaha federaalka ee DFI mudane Dr Sheferew T/mariam si ayna cid kamida muwaadiniintu ugu dhicin gacanta dilaallayda socdaalada sharci darada ah iyo tahriibinta oo aysan dhibaatooyin uga gaadhin naftooda ayaa waxay dawlada federaalku haatan ku hawlantahay talaabooyin habaysan oo ka hortagaya nidaamka sharci darada ah ee tahriibka.

Waxuuna wasiirku sheegay in shaqsiyaadka kahawl gala warwareejinta ama socdaalinta sida sharci darada ah in si wax looga barto uu sharci sigaar ah uga talaabo qaadaya si balaadhan loogu hawlan yahay.

Waxaa dhawaan gacanta lagu dhigay ilaa laba boqol (200) oo ka ganacsan jirtay tahriibinta dhalinyarada kuna sugnaa gudaha iyo dibada iyadoo hataana lagu jiro qabashada shaqsiyaad kusugan dibada oo kashaqaynayay hawlahan sharci darada ah.

Waxayna xukuumadu haatan dar dar galinaysaa sida dhalinta loogu adkayn lahaa fahanka dhibaatada kasoo gaadhaysa socdaalada sharci darada ah iyadoo si gaar ah oo ku haboon loogu dhiiri galinayo inay kafaaiidaystaan fursadaha shaqo ee dalkeena.

Waxaa kaloo wasiirku sheegay in sidoo kale ay dawlad deegaanadu si balaadhan uga hawl galeen furasadaha shaqo ee dhalinta islamarkaana ay miisaanayadu u qabtaan arimaha dhalinyarada iyo fursadaha balaadhan ee shaqo. Waxayna xukuumadu si gaar ah ugu hawlantahay barnaajiyo diirada saaraya arimaha dhalinyarada islamarkaana dardar galinaya.