Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shirkii Lamagac Baxay Horaa Loo Soconayaa Oo Ay Soo Agaasimeen Dhalinyarada SEDYO Sweden Iyo Kooxda Liyuu Band Ayaa Kadhacay Magaalada Göteborg Ee Wadankaas Sweden.

Göteborg(CN) Shirkan  loogu magacdaray horaa loo soconayaa ayaa u jeedadiisu ahayd taageerada musharixiinta XDSHSI  oo ugu horeeyo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar in uu dib ugu guulaysto shanta sane ee danbe iyo guud ahaanba isbadalka horumar ee DDSI ku talaabsatay, Waxaana kasoo qayb galay masuuliyiinta SEDYO Sweden, hobolada iyo fanaaniinta Liyuu Band oo ay kamidyihiin abwaanka wayn ee Axmed Budul, xidigaha Liyuu Band, iyo marti sharaf balaadhan oo qurbajogta DDSI ah.

Waxaa shirka lagu furay heesta calanka waxaana makaroofanka lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha ururka dhalinyarta sedyo sweden mudane Maxamed Sheekh Xasan (Huways) oo hadal qiimo badan ka soo jeediyay madasha kuna taageeray xukumada shantii sane ee la soo dhaafay wax qabadkii ay soo qabteen waxaa kale oo uu si kal iyo laaba u taageeray musharaxiinta hada u taagan xilalka kala duwan islamarkaana si wayn loo taageeray musharax madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa isna goobta ka hadlay abwaanka wayn ee Axmed Budul ugana waramay bulshadii maanta deeganku halka uu marayo waxa loo ga baahan yahay qurba joogta inay ka faa iidaystaan wadankooda maalgashina ku sameeyaan.
Sidoo kale waxaa  isna goobta ka hadlay gudoomiye ku xigeenka ururka sedyo Sweden mudane Xayi Maxamuud oo si mug leh uga hadlay isbadalka iyo taageerada  musharixiinta XDSHSI ee hirgaliyay.

Waxaana  shirkan Horaa Loo Socanayaa si qurxoon u daadihinayay  mudane Cabdicasiis Sheekh Abuukar. Ma aha markii ugu horaysay ee ay dhalinyarada SEDYO Sweden qabtaan ama qaban qaabiyaan shirarka noocan oo kale ah balse waa dhalinyaro si toos ah ula socota waxa saacad walba  kasocda deegaankooda haday tahay horumar, nabadgaliyo, iyo xidhiidhkaba islamarkaana kaalin hormuud ugu jira.