Madaxwaynaha DDSI Oo Kawaramay Midhihii Guusha 20-Ka Ginbood Hanbalyana U Diray Dhamaan Shacabwaynaha Reer Itoobiya.

Jigjiga(CN) Arbaco.May.27.2015, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta warbaahinta qaranka iyo tan deegaankaba uga waramay guusha iyo midhaha 20-ka Ginbood oo ah maalintii laga takhalusay mugdigii iyo cadaadiskii xukuumadii Dergiga, wuxuuna madaxwaynuhu hanbalyo u diray dhamaan shacab waynaha Itoobiya isbadalka maanta ay   ku naaloonayaan qoomiyadaha Itoobiya.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu horayntii uga mahadceliyay shacabka DDSI iyo guud ahaanba dalka  doorashada 5aad ee habsamida iyo nabada buuxda uga dhacday dalkeena taasoo noqotay midii ugu xasilooni iyo nabadgaliyo badnayd mara loo eegoo doorashooyinkii hore iyo guusha maalinta 20-ka Ginbood oo bari ku aadan.  Halkan laguma soo koobi karo isbadalka iyo guulaha ay 20-ka Ginbood u soo hoyisay qoomiyadaha iyo shacabwaynaha Itoobiya ayuu yidhi madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.

Ginbood kahor (24 sano) Itoobiya waxay dhamaan kusugnayd mugdi wuxuuna madaxwaynuhu sheegay in Soomaalida Itoobiya ay Dergidu ula dhaqmi jirtay muwaadinka labaad ama (second citizen) iyadoo deegaanku aysan haba yaraatee wax horumar ah ka dhaxlin.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud waxaa uu sheegay in deegaanka Soomalidu ahaan jiray wakhtigaasi Dergiga xeryo militari oo xitaa aan guri laga dhisin ama laga dhaxlin xeryahaasi iskadaa horumar kale oo lasheego. Waxay shacabku kala kulmeen dil, dhac, boob iyo dhibaatooyin badan oo dafiray xaquuqahoodii aas aasiga ahaa.

Midhaha Ginbood oo ay ugu horeeyaan xaquuqaha ay qoomiyaduhu lahaayeen iyo horumarka balaadhan ee maanta dalku kutalaabasaday ayaa waxaa hormuud u ahaa guusha 20-ka Ginbood, waxaana 24 tii sano ee lasoo dhaafay dalku kagaadhay horumar dhan walbo ah, Deegaanka soomaalidana waxaa uu kafaaidaysatay horumarka iyo maamulka suuban ee wadanka ka curtay sida waxbarashada, jidadka, isgaadhsiinta, aafimaadka, dib u dajinta iyo qorshayaasha horumarineed ee hogaaminayo ururka talada dalka haya ee EPRDF iyo bahwadaagtiisa.

Mar uu kahalay madaxwaynuhu xaalada deegaanka ayuu sheegay in wakhti xaadirkan deegaanka Soomaalida Itoobiya uu yahay nabadgaliyo sida deegaanada kale ee dalka horumarkana uu shacabku kawada shaqaynayo gudaha iyo dibadaba, iyadoo ay qurbajoogtii cadawga taageeri jirtay ay soo jiidatay siyaasada wanaagsan ee ERDF.

Shacabka deegaanku wuxuu halkii u danbaysay kagaadhay maanta oo uu wajahay horumarka iyo siday u ilaashan lahaayeen waxaana sidii loogu talagaya u hirgalay qorshayaashii wareega koobaad ee GTP.

Ugu danbayntii waxaa uu madaxwaynuhu fariin qaaliya u diray shacabka DDSI in ay sii laba jibaaraan kaalintooda ku aadan nabada iyo horumarka, maadaama ay shacabka deegaanku yihiin shaaficiyo islaam ahna waa in cadawga binu aadamka oo ah argagixisada ee islaamka kugabada meelkasta oo ay joogaan laga hortago lagna baabiyo sabatoo ah waxay cadaw kuyihiin aadamaha oo dhan iyo diinta wanaagsan ee islaamka.