Dood Cilmiyeed Loogu Gogol Xaadhayay Xuska 24 aad Ee Guusha 20-ka Ginbood Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Maanta Hoolka Shirarka Ee SMCX.

Jigjiga(CN) Arbaco.May.27.2015, dood cilmiyeedan oo ahayd mid loogu gogol xaadhayo munaasabada xuska 24 jirsatay ee guusha 20 ginbood oo maalinta barito si balaadhan looga xusayo guud ahaanba dalka gaar ahaana DDSI ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiimta sare oo u ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada mudane Mowliid Haayir, madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI lenha awood madaxwayne kuxigeen mudane Cabdicaziiz Maxamed Cabdi,  qaar kamida gudiga fulnta, golahaha wasiirada DDSI  odoyaaysha, shaqaalaha dawlada, qaybaha kala duwan ee bulshadada, qurbajog iyo marti sharaf kale.

Dood cilmiyeedan oo lagu soo dhandhigayay sooyaalkii taariikheed ee DDSI ayaa waxaa warbixin dheer ka soo jeediyay madaxa xarunta dhexe XDSHSI lenha awood madaxwayne kuxigeen mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi warbixintaasi oo ku qotontay isbadaladii iyo marxaladihii siyaasadeed horumarineed ee uu deegaanku soo maray.

Sidoo kale madaxwayne kuxigeenka  mudane Mowliid Haayir ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinkii iyo hagardaamooyinkii hore u soo haysan jiray deegaanka iyo heerka u manta tagan yahay, odayaasha ddsi ayaa si durugsan uga faalooday guulaha waawayn ee laga dhexlay 20 ka ginbood iyo cadaadisyadii hore u soo haysan jiray deegaanka.

Dood cilmiyeedan ayaa si qoto dheer loogu lafa guray jaran jarooyinka iyo isbadaladii uu deeganku so maray iyo heerka u hadda marayo. Waxaana maalinta bari ah guud ahaanba dalka laga xusi doonaa sanadguurada 24aad ee guusha 20-ka Ginbood oo ah maalintii ay curatay Itoobiyada cusub lagana takhalusay mugdigii Taliska Dhargiga.

Waxaad si toos ah ugala socon kartaa munaasibada guusha Ginbood oo barito kadhici doonta garoonka kubada cagta ee magaalada Jigjiga warbaahinta deegaanka ee ESTV. Waxayna shabkada CakaaraNews idin leedahay hanbalyo guusha Ginbood dhamaan bulshawaynta Itoobiya.