Awbare(CN) iyada oo guud ahaanba maalintii shalay si balaadhan looga xusay Gobolada iyo Degmooyinka Deegaanka sanad guurada 24 jirsatay ee guusha 20ka ginbood ayaa waxaa degmooyinkii sida balaadhan looga xusay ka mid ahaa degmada awbare ee Gobolka Faafan.
Waxaan, subaxnimadii shalay u soo baxay madasha shirarka ee degmada awbare, dhamaan qaybaha bulshada sida odayaasha, haweenka, dhalinyarada, ardayda iskuulada, shaqaalaha degmada, masuuliyiinta degmada awbare oo uu hogaaminayo gudoomiyaha degmada awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax.
Bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan magaalada awbare oo muujinayay dareenkooda farxadeed ee ay u qabaan maalintani qiimaha wayn ugu fadhida dhamaanba shacabwaynaha reer itoobiya ayaa waxaa ugu horayntii la hadlay bulshada gudoomiyaha degmad Awbare mudane Maxamed cabdi faarax.
Wuxuuna, si qoto dheer uga waramay gudoomiyuhu ahmiyada iyo qadarinta ay leedahay sanad guurada guusha xuska 20ka ginbood, isaga oo ka warbixiyay soonyaalkii taariikheed ee dalkeenu soo maray cadaadiskii iyo cabudhiskii soo daashaday qoomiyadaha itoobiya gaar ahaana deegaanka soomalida itoobiya.
Mar uu gudoomiyuhu ka waramayay ahmiyada iyo qiimaha ay leedahay guusha 20ka ginbood ayaa waxa uu yidhi” 20ka ginbood waa maalintii soo nooleysay xaqii iyo xuquuqihii jiritaanka Qowmiyadaha iyo shucuubta reer itoobiya oo ah Maalin Qiimaha iyo qadarinta wayn ugu fadhida shacabwaynaha itoobiya gaar ahaana Soomaalida Itoobiya, 20 ka ginbood waa maalintii bog siisay ama ka dhayday Boogihii iyo raadadkii waxshnimo ee ay kaga tegeen talisyadii Shuuciga ahaa ee ay Xukunka ka tuureen ururka EPRDF iyo bahwadaagtiisu Ginbot 20 sanadkii 1983 T.I”
Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada awbare ayaa si durugsan oo dareen mug leh xambaaran munaasabada xuska 24 jirsatay ee 20ka ginbood waxayna ka warbixiyeen dhibaatooyinkii iyo hagardaamooyinkii hore u soo haysan jiray qoomiyadaha itoobiya gaar ahaana deegaanka soomalida itoobiya waxayna sheegeen in ay talisyadii hore uga soo talin jiray dalkeena itoobiya ku guul daraysteen aqoonsiga aragtida saraynta sharciga si wayna ay u duudsiyeen xaqii iyo xuquuqihii qoomiyadaha. Balse markii xukunka laga duuray kalidii taliyihii dhergiga uu waa cusubi u barayay dhamaanba shucuubaha dalkeena itoobiya waana tan keentay ayay yidhaahdeen in maanta si farxad iyo horumar loogu dabaal dago 20ka ginbood.
Isku soo wada xooriyoo guush sanad guurada 24 jirsatay ee guurada 20ka ginbot waxay ku soo beegantay xili uu DDSI uu ku talaabsaday horumar lajaanqaadi kara deegaanada dalka iyad oo maalintii axadii ee 16kii ginbot ay si xor ah oo nabadgalyo,dimuquradi iyo cadaalad ah ay shacabku codkooda ay u siiyeen xisbiga ay isleeyihiin wax buu ku soo kor dhinayaa horumarka iyo arimaha bulshada deegaanka 5ta sano ee soosocota.
Waxay guusha 24aad ee 20ka ginbood ku soo beegan tahay iyada oo gabi ahaanba deegaanku ku talaab saday isbedelada Dhaqan-dhaqaale,Dimoqraadiyadeed iyo Helitaanka Dhamaan Xuquuqihii la Duudsiiyay Guud ahaan Qowmiyadaha gaar ahaana Qowmiyada Soomaalida Itoobiya iyo neecawda Dimoqraadiyadeed,Sugida Xuquuqaha Qowmiyadaha iyo Xoriyada kobcinta Dhaqanka iyo Luqada Qowmiyadaha ee ka dhashay Halgankii EPRDF ay afka dhiiga ugu dareen Taliskii Macangaga ahaa ee Mingistu H/Mariam laguna yag leelay Itoobiyada Wadaaga ee maanta lagu wada naaloonayo.