Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Waxaa Ladiyaariyay Qorshaha Waxsoosaarka Daaawada Ee Baahida Dalka Oo Dhan Iyo Suuq Gaynta Daawada ee Dibada.

Addis Ababa(CN) waxaa ladiyaariyay qorshaha iyo istaraatijiyada waxsoosaarka daawada ee dhamaan baahida dalka islamarkaana lagu suuq gaynayo dibada. Waxaana dikumintiga qorshahan wada diyaariyay wasaarada warshadaha, wasaarada caafimaadka ee DFI iyo haayada caafimaadka aduunka.

Istaratiijigan oo kusalaysan wareega labaad ee  qorshaha isbadalka iyo kobaca dhaqaalaha ee shanata sano ayaa waxaa maanta kawada dooday haayadaha iyo xubnhihii ay khusaysay.

Wasiiru dawlaha wasaarada warshadaynta mudane Dr. Mebrahtu Malase ayaa sheegay in waxsoosaarka daawada ay marba marka kadanbaysa soo korayaan balse wali loo baahan yahay shaqooyin badan oo in lasii wado ah.