Is Casilaada Madaxa FIFA Sepp Blatter Oo Baadhitaan Kusocdo

Zurich(CN) Arbaco.June.03.2015, Sepp Blatter, 79 jir oo ahaa madaxa ururka kubada cagta adduunka ee FIFA taniyo 1998 ayaa maalintii shalay  ku dhawaaqay inuu iska casilayo jakadan loo doortay markii shanaad muda hada laga joogo afar cisho. Wuxuuna kusheegay shir uu ku qabtay talaadadii magaalada Zurich ee xarunta ururka kubada cagta aduunka FIFA ee wadankaasi Switzerland.

Is casilaadan uu shalay ku dhawaaqay Sepp Blatter ayaa kusoo beegantay wakhti ay jiraan fadeexado musuqmaasuq oo loo xidhay 7 kamida haayada FIFA oo lagu eedaynayao inay laxidhiidhaan musuqmaasuqa haayada FIFA.

Waxaana arintan oo kayaabisay caalamka kubada ay hay adda baarista danbiyada ee maraykanka FBI baadhitaan ku wadaan iscasilaada Sepp Blatter ee laxidhiidha musuqa ururka ee 24 tii sano ee u danbaysay.